4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
AFHAYEENKA XIMAN IYO XEEB: “Shiikh Xasan Daahir Aweys culays ayuu ku yahay deegaanka iyo deegaannada ku dhow”

Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Afhyeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cumar Hagafeey ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu culeys ku yahay deegaankooda iyo deegaannada ku dhow-dhow iyagoo taas ka duulayana ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay arrinta Sheekh Xasan Daahir kala hadasho.

Hagafeey oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan Cadaado ayaa sheegay in wafdi isugu jira xildhibaanno iyo waxgarad ay maanta gaareen Cadaado ayna kulammo ay kaga hadlayaan arrinta Sheekh Xasan Daahir la leeyihiin mas’uuliyiinnta maamulka Ximan iyo Xeeb.

“Sheekh Xasan Daahir runtii culeys ayuu ku yahay deegaanka iyo kuwa kale eek u dhow-dhow, sidaa daraadeed waxaa socda wadahadallo ku saabsan sida laga yeelanayo xaalkiisa, maadaama isagoo aan dagaalamayn uu soo galay gacanta maamulkeenna,” ayuu yiri Hagafeey.

Afhayeenka maamulka Ximan Xeeb ayaa sidoo kale, sheegay in weli uu ku jiro gacantooda Xasan Daahir ayna la socdaan ilaalo ay qaraabo dhow yihiin oo kasoo raacay halkiis uu kasoo baxsaday.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd inay ka warhayeen in Sheekh Xasan Daahir uu soo gaarayo deegaannadooda ayuu ku jawaabay: “Kama warhayn, waayo markii uu kasoo dagay xeebaha uu maamulku ka taliyo, ciidan fara badan ayaan halkaas u dirnay, markii lagu wargeliyay inuu is-dhiibana wuu diiday, taasina waxay keentay in muddo toddoba  saacadood ah la is-hor-fadhiyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xubnaha la socda mar la weydiiyay inay ku jiraan xubno la raadinayo ee ka tirsan Al-shabaab ayuu sheegay inuusan taas ka hadli karin, laakiinse ay la socdaan dhallinyaro isaga ilaalo u ah oo keliya, kuwaasoo aan u muuqan in ay yihiin kuwo lagu raad-joogo.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in Sheekh Xasan iyo maamulka ay wadahadallo yeesheen, haddana ay socdaan wadahadallo kale oo arintiisa ku saabsan, markii ay dhammaadaanna uu la hadli doono saxaafadda.

Wararka laga helayo degmada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socda lagu ilaalinayo meel ku dhow xarunta madaxtooyada maamulkaas, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidammo aad u hubeysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya