4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Maalinta Xorriyadda 26-ka June oo Xalay si balaadhan loogu Xusay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland (DAAWO SAWIRRADA)


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasibadda loogu dabaaldegayo sanad guuradda 53aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan lagu xusayey maalintii xoriyadda ee 26 June ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen madax badan oo iskugu jiraaan, madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, labadda gole Baarlamaan, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo faro badan.

Xafladan waxa lagu soo bandhigay Riwaayaddo ay fanaaniinta qaranku kaga hadlayeen taariikhdii Somaliland iyo gumaysigii sida loola dagaalamay.

Sidoo kale waxa xuska ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo ka sheekeeyey xornimadii lixdankii iyo halgankii dheeraa ee ay soo martay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, maalintan 26 june ayaan si weyn looga xusin Somaliland, isla markaana aanay xukuumad iyo dadweynuhuba isku hawlin, waxaana xooga la saaraa in loo dabaaldego maalinta 18 MAY oo ah maalintii madax banaanideedda dib ugala soo noqotay Soomaaliya oo ay isku biireen 1-dii luulyo, 1960-kii, sidaa darteed waxa maalintan lagu koobay inay tahay maalin fasax laga yahay shaqooyinka, isla markaana ay dadku iska nastaan xaflad koobana lagu qabto xarunta madaxtooyadda, haseyeeshee lama weyneeyo inta badana si weyn looma hadal hayo.









Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland