4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Wax-garad iyo xubno kale oo Maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud

Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowladda Soomaaliya, odayaal iyo xubno kale oo uu hoggaaminayay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) oo wasiir u dowle kasoo noqday dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay Sheekh Xasan Daahir Aweys Muqdisho u soo kexeeyaan.

Mas’uuliyiinta gaaray Cadaado iyo mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa la sheegay inay kulammo uga socdaan magaaladaas, iyadoo halka ay ku sugan Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo taageerayaashiina ay ilaalo xoogan ka hayaan ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Ximan iyo Xeeb.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saaakiisha Al-shabaaba iyo 10-xubnood oo isaga taageersan ayaa kasoo goostay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose toddobaadkan xilli habeen ah, iyagoo habeen hore isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Cadaado ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ka tagay Muqdisho ee isugu jira odayaasha iyo xubnaha dowladda iyo kuwa maamulka Ximan iyo Xeeb uu kulankoodu yahay mid albaabbadu u xiran yihiin ayna qorsheynayaan inay Xasan Daahir iyo xubnaha la socda u soo kexeeyaan Muqdisho.

Inkastoo afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inay cid walba oo doonaysa inay dib u heshiisiinta ka qaybqaadato ay soo dhaweynayaan, haddana wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo mowqifka dhabta ah ee dowladda kaga aaddan Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in xubnahan ay doonayaan inay ku qanciyaan Sheekh Xasan Daahir inuu yimaado Muqdisho si uu kulammo ula qaato madaxda dowladda Soomaaliya sida madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam ayaa horay u sheegay inuusan doonayn inuu wadahadallo la galo dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay taageero ka hesho ciidammo ka tirsan kuwa dalalka dariska ah iyo kuwa AMSIOM oo ka socda Midowga Afrika, balse lama oga in mowqifkiisaas uu bedelay iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya