4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Ganacsiyada Soomaalida oo ku soo badanaya Magaalada Mombasa
Mombasa.jpg
Arbaco, June 26, 2013 (HOL) - Soomaalida ku nool dalka Kenya oo markii hore ganacsiyadoodu u badnaayeen magaalada Nairobi, gaar ahaanna xaafada Islii ayaa haatan aad moodaa inay aad u maalgashayaan magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ah ee Kenya.

Waxayna inta badan ganacsiyadoo u badanyihiin suuqyada laga dukaamaysto iyo hoteellada oo ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah.

Waxaana dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha ay ku tilmaamaan in Mombasa ay haatan saldhig u noqotay Soomaali badan oo ka soo guurtay wadamada reer galbeedka oo iyagu maalgashi ku samaystay magaaladaas.

C/laahi Maxamed Xusseen oo kamid ah dadka ganacsiyada ku leh magaaladaas ayaa aaminsan in Soomaalidu ay maalgashigooda Mombasa sare u sii qaadaan maadaama magaaladaasi ay tahay magaalo ay xoog ku leeyihiin dadka muslimiinta.
jundan-hotel-mombasa.jpg


Waxaana uu tilmaamay in Soomaali badan oo qorbaha ka timid oo qaarkood ay maalgashiyo u socdaan inay ku soo dagaan Hotel Jundan.

"Waxaa wanaagsan in Soomaalidu ay xoojiyaan maalgashigooda Mombasa maadaama ay tahay magaalo Islaam oo si fiican looga jecelyahay dadka muslimiinta ah" ayuu yiri C/laahi oo waraysi gaar ah siiyay Hiiraan Online.

C/laahi waa mulkiilaha Jundan hotel oo ah mid kamid ah hoteellada waawayn ee Soomaalidu ay ku leedahay magaalada Mombasa, waxaana uu sheegay inuu ugu baaqayo Soomaalida inay u weeciyaan maalgashigooda magaaladaas.

"Nairobi marmar waxaa ka dhaca rabshado, laakiin Mombasa waa meel ammaankeedu aad u wanaagsanyahay oo aad moodo in Soomaalida laga jecelyahay" ayuu sii raaciyay.

Marka laga soo tago Hoteellada, ganacsiyada kale ee ay Soomaalidu ku leedahay magaaladaas ayaa sare u kacay taasoo loo aanaynayo rabshadihii sannadkii hore ka dhacay xaafada Islii oo kooxo qawlaysato ah ay isku dayeen inay dhacaan ganacsiyada Soomaalida taasoo keentay dagaal dhex mara dhalinyarada Soomaalida iyo kuwii wereerka soo qaaday.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya