4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Dood ku Saabsanayd sida ay Dareerayaashu ula Fal-galaan Jirka Aadanaha oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Jamhuuriya (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed uu cinwaankiisu ahaa “Fluid movement across capillary membrane from bench side to bedside” oo lagu sharxay sida ay dareerayaashu ugu dhaqaaqaan gudaha jirka aadanaha iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka ayaa maanta lugu qabtay hoolka siminaarrada ee Jaamacadda Jamhuriya of science and technology (JUST) ee magaalada Muqdisho.

Dr. Maxamed Cabdullaahi Xaaji Aadan oo ah khabiir Soomaalieed oo ku takhasusay caafimaadka gudaha (Internal Medicine) oo macallinna ka ah jaamacadda University of Minnesota ee dalka Mareykanka oo casharkaas soo jeediyay ayaa ardayda jaamacadda si hufan uga haqab tiray maaddadan, iyadoo ay ardaydu  halkaas su’aalo kala duwan ku weydiiyeen baraha, isaguna uu uga jawaabay.

Gabagabadii casharka waxaa ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda, Maxamuud Axmed Jimcaale iyo ku xigeenka hormuudka kuliyaadda daawada iyo culuumta caafimaadka, Dr. Xasan Maxamed Xabiibullaah, iyagoo u mahad-celiyey, Dr. Maxamed casharkii qiimaha lahaa ee uu ardayda wax ka barta jaamacadda u jeediyay, kana codsaday khubarada Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ama gudihiisa ku sugan inay qayb waqtigooda ka mid ah u qoondeeyaan walaalahood wax ku baranaya gudaha dalka Soomaaliya ee aan fursadda u helin inay helaan waxbarasho dibadeed.

Jaamacadda Jamhuuriya oo ka mid ah jaamadaha ka jira dalka gudihiisa ayaa waxaa lagu qabtaa aqoon kororsi joogto ah, iyadoo inta badan marti-gelisa aqoonyahanno Soomaaliyeed oo casharro kala duwan u soo bandhiga guud ahaan ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda jaamacadda wax ka barta.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya