4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Soomaalida ku nool Dalka Kenya oo u Diyaar-garoobaya Xuska 1-da Luuliyo oo ku beegan markii ay Xorowday Soomaaliya
5360c25f9fe224551890767f481f3948.jpg
Arbaco, June 26, 2013 (HOL) - Dalka Kenya oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo Soomaali ah ayaa laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo loogu jiro xuska maalinta 1-da Luuliyo oo ah markii ay gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay xoreebeen isla markaana ay isku biireen waqooyiga iyo koonfurta.

Waxaana diyaar garow sidoo kale uu ka socdaa safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi oo sheegtay inay qaban doonaan xaflad lagu maamuusayo maalintan ku wayn ummada Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali nuur (Ameeriko) oo warbaahinta la hadlay ayaa hambalyo u diray dhammaan Soomaalida, isagoo ku tilmaamay todobaadkan inuu yahay todobaadka Soomaalida.

" 26-ka bishan waa maalintii ay xoroobeen gobollada waqooyi, 27ka bishan waa markii ay xoroobeen walaalaheenna reer Jabuuti, 1-da Luuliyana waa maalintii ay xoroobeen gobollada koonfureed uuna dhacay midowgii gobollada Soomaaliya" ayuu yiri danjiruhu.

Safiirka ayaa sidoo kale hambalyo gaar ah u diray Soomaalida ku nool dalka Kenya oo dhan.

"Waan bilownay diyaar garowgii waxaanan ugu baaqaynaa dhammaan Soomaalida ku nool waddanka Kenya inay isu diyaariyaan xuska maalintaas sharafta badan ee aynu noqonay waddan calankiisii uu caalamka ka babaday" ayuu sii raaciyay.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa intooda badan bilaabay iibsiga calamada buluuga ah iyo maryo lagu xardhay calanka oo laga soo gadanayo goobaha laga dukaamaysto.

"Sannadkan sanadihii hore waa uu ka farxad badanyahay, wuxuuna ku soo aaday Soomaaliya oo cagaheeda isku taagtay oo noqotay waddan soo ceshaday qaranimadiisii iyo aqoonsi caalami ah" ayuu yiri Danjire Cali Ameeriko.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya