4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Magaalada Muqdisho oo lagu Qabtay Xaflad lagu Maamuusayay 53-guuradii kasoo Wareegtay Xorriyadii Gobollada Waqooyi (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Mudanaasabad lagu xusayay maalintii xorriyadda gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo ku beegnayd 26-ka Juun, 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya, taas oo ay kasoo qaybgaleen mas'uuliyiinta dowladda iyo dadweyne kale oo fara badan.

Xuskan oo ah kii 53-aad ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo sheegay in midnimada dalka Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, iyagoo xusay inay sii socon doonaan wadahadallada ay kula jiraan Somaliland.

"Xukuumaddu waxay si adag ugu dhawaaqeeysaa inay ka go’an tahay midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana caddeynaynaa inaan sii wadi doonno wadahadalka aan kula jirno Somaliland," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku yiri khudbad uu ka jeediyay munaasabadda.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo isaguna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqaddsan, wuxuuna Somaliland ugu baaqay in dhibaatadii dalka ka dhacday ay taabatay Soomaali oo dhan oo aan loo baahnayn inay marmarsiiyo ka dhigtaan waxaas ayaa nala yeelay, balse looga baahan yahay ogolaadaan inay Soomaaliya ka mid yihiin.

Wasiirradda arrimaha dibadda ahna ku xigeenka ra'iisul wasaaraha, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in munaasabadda 26-ka Juun ay markii ugu horreysay kaga qaybgasho Muqdisho tan iyo markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

"Anigoo yar ayaa abbahay na keenay calan-saarkii, waxay ahayd habeen qiimo gaar ah ii leh, waxaana ku faraxsanahay in xuskaas uu sii socdo," ayay tiri wasiiradda oo intaas ku dartay inay Soomaali weyn oo dhan ugu baaqayso inay xusaan maalmaha xorriyadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in lasii wado wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo sheegay inuu rajeynayo in wadahadalladaas ay noqdaan kuwo miro-dhal ah.

"Runtii anigoo ku hadlaya magacayga, kan guddoonka baarlamaanka iyo magaca xildhibaannada waxaan dhiirigelinayaa wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan shacab iyo xukuumadba ka codsanayaa in laga fogaado wax walba oo dhibaato ku keeni kara wadahadalladaas, shacabkana waxaan ku boorinayaa inay ka qaybqaataan sidii wadahadalladaas ay miro-dhal u noqon lahaayeen," ayuu yiri Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda gashay marxalad cusub oo ka duwan tii hore, isagoo u duceeyay aabbayaashii xorriyadda dalka u soo halgamay.

"Dadkii hore tiro ahaan way naga yaraayeen, aqoon ahaan way naga hooseeyeen, dhaqaale ahaan way naga hooseeyeen dhaqaalle ahaanna wey naga hooseeyeen, sidaas oo tahayba waxay dalka ka xoreeyeen gurmeystihii haystay. Guddoomiyaha maxkamadda sare waxaan ku raacsanahay inaan qirano dhibaatadii dalka ka dhacday inaan annaga mas'uuliyaddeeda leennahay, waa inaan marnaa jidkii ay aabayaasheen noo faleen oo ah Soomaali oo mid ah, Qarannimadeediina difaacanaysa," ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkii uu ka jeediyay munaasabadda.

Ugu dambeyn, waxaa 12:00 habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay la saaray calanka buluugga ah ee dhexda xidigta ku leh ee ay Soomaaliya caanka ku tahay, iyadoo madaxda dowladdu ay salaan-sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale, intii ay xafladdu socotay waxaa heeso guubaabo iyo madadaalo ah kasoo jeedinayay fannaaniin Soomaaliyeed, iyadoo heesihii ay qaadayeen ku cabirayay xaaladda dalk uu marayo iyo waayihii uu soo maray.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya