4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Maamulka Ximin iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya oo Sheegay in Gacanta ay ku dhigeen Sheekh Xasan Daahir Aweys



Arbaco, June 26, 2013(HOL) :- Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa shaaciyay in xalay saqdii dhexe uu isu soo dhiibay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin sare ka ahaa ururka Al-shabaab islamarkaana hore u hogaamin jiray ururkii burburay ee la magac baxay Xizbul Islaam.

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno uu hogaaminayo ayaa dhawaan isaga soo cararay degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose, waxayna arintaasi ka danbeeyay kadib khilaaf soo kala dhexgalay xubno uu kamid yahay Sheekh Xasan Daahir iyo masuuliyiinta ugu sareeysa ee Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Cumar Xagafeey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-soomaaliya ee VOA ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna xusay in xalay saqdii dhexe uu isu dhiibay maamulkaasi.

“Xasan Daahir Aweys waxa uu ku jiraa gacanta ciidamada weliba uu hogaaminayo Madaxweeynaha maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb, sedexdii aroornimo ayuuna soo galay gacanta madaxweeynaha,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Sheekh Xasan Daahir iyo ciidamo la socday ayuu masuulkani sheegay in ay soo gaareen deegaanada dhanka xeebta ee maamulkaasi Ximin iyo Xeeb, wuxuuna sheegay in isa soo dhiibidiisa ay ka danbeeysay wada hadal badan iyo ishorfadhi badan oo dhexmaray ciidamada maamulka iyo kuwii uu watay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Mar la weeeydiiyay in uu jiray wax dagaal ah oo dhacay kahor isa soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir Aweys ayuu masuulkani yiri  “Xaqiiqdii hadal badan iyo dood badan iyo is-horfadhi badan ayay ka danbeeysay isa soo dhiibidu marka sida ayay u dhacday wax xabad uhuna ma dhicin waana isa soo dhiibay.”

Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa intaa ku daray in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu imika ku jiro gacanta madaxweeynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Max’ed Baarleex.

Masuulkan ayaa mar la weeydiyay waxa ay ka yeeli doonaan Sheekh Xasan Daahir Aweys mar hadii ay gacanta ku dhigeen ayuu sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb uu qeyb ka yahay dowladda federaalka ee Soomaaliya islamarkaana ay marin doonaan waxa ay ka qabto shuruucda caalamiga ah ee dadka isa soo dhiiba ama la qabto.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maalin ka hor kasoo baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu dhawaan halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamo ay wateen masuuliyiin uu isagu kamid yahay iyo askar kale oo iyaguna ka tirsan Al-shabaab islamarkaasina ka amar qaata madaxda sare ee Xarakada Al-shabaab, waxaana intaasi ka dib Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno uu hogaaminayo ay deegaanka Baraawe uga baxsadeen doomo iyagoona u jiheeystay dhanka gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ah halka imika la sheegay in uu iska dhiibay.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.