Qarax Gudaha Kismaayo lagula eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howgalka AMISOM (SAWIRRO)


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) —
Qarax xooggan ayaa xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Qaraxan oo ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari nooca ciidamada daabulo oo ay wateen askarta Kenya, waxaana uu sababay dhaawac soo gaaray  sedex askari oo  ka tirsan ciidamadii gaadiidkaasi saarnaa iyo weliba burbur gaaray gaarigaasi, sida uu HOL u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Cabdi Buuloow Max’ed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo goobta uu qaraxa ka dhacay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso, wuxuuna xusay in aysan jirin cid ku dhimatay marka laga reebo sedex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya oo uu xusay in ay ku dhaawacmeen.

Ilaa imikana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, mana jiraan madax ka tirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa iyo weliba cidda ku waxyeeloowday.

Ciidamada maamulka Kismaayo ayaa xiray aagga goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale uu hakad ku yimid isu socodkii dadka iyo gaadiidka, iyadoona uu gabi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee xaafadda uu qaraxu ka dhacay.

Waa markii ugu horeeysay oo gudaha magaalada Kismaayo qarax lagula eegto askar ka tirsan ciidamada Kenya tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa ay gacan ku heynta magaalada kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya






Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa maanta markii ugu horreysay u diiday inay madaarka Hargeysa fadhiisato diyaarad ogolaanshiyo kasoo qaadatay dawladda Soomaaliya, isla markaana sheegtay in aanay hawadeedda u soo mari karin diyaarad aan Somaliland fasax ka haysan.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hargeysa, kuuliyaddeeda nabadda iyo khilaafaadka ayaa maanta soo gabagabeeysay shir laba cisho u socday dalalka Somaliland, Soomaaliya, koonfurta Suudan iyo Suudaan, kaas oo lagaga hadlayey dawlad dhisida iyo sida nabadda loo dhaliyo.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo ururkii doorashadda ku hadhay ee XAQSOOR oo hore u qaadacay doorashadii golaha deegaanka ayaa heshiis af garad wada gaadhay, isla markaana sheegay inay ka heshiiyeen in dhinac looga soo wadda jeesto wixii danta guud ah.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furtay magaalada Muqdisho shir heer Qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana qabanqaabadiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysay inay isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga hortagto weerarada Al-shabaab kusoo qaadayso deegaanno ka tirsan dalkeeda, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka iyo waxbarashada ayaa maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin maamulka gobolka ka tirsan, waana kulankii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca degmadaas.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee magaalada Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) ayaa goor-dhow lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaadiid uu watay.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in dabkaas uu ka dhashay koronto qaraxday.

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay shalay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay muddo sanooyin ah gacanta ku haysay Al-shabaab.

Somali News

6/18/2013 5:23 PM EST
Outraged Somali-Canadian community members are accusing Toronto police and tactical squads of racial profiling and unnecessary abuse of innocent residents during last week's Project Traveller raids in the city's west end.

6/18/2013 5:18 PM EST
LONDON — Piracy in West Africa now affects more ships and seafarers than piracy coming from Somalia, according to a new report by the International Maritime Bureau (IMB), however, Somali pirates tend to mete out harsher treatment to their hostages. The report focuses on the human impact of piracy.

6/18/2013 5:16 PM EST
What do a handful of South African mercenaries do for an encore in Somalia once all the pirates are gone?

6/18/2013 5:10 PM EST
Drones, or unmanned aerial vehicles, are needed to help Kenyan security forces on the ground patrol the country's frontiers, said Patrick Ochieng.

6/18/2013 5:56 AM EST
The names of dozens of detainees held at the military prison at Guantanamo Bay, Cuba, were released for the first time on Monday after a newspaper sued the federal government for the information.

6/18/2013 5:46 AM EST
Somali refugees waiting in Indonesia, say they're being forced to take dangerous boat voyages because Australia is refusing to resettle Africans.

6/18/2013 5:43 AM EST
More than 90 per cent of the irregular migrants who applied for asylum in Malta last year were granted refugee or humanitarian protection status at first instance, according to Eurostat data.

6/18/2013 5:33 AM EST
David Cameron is to urge all G8 leaders to commit their countries not to pay terror ransoms in an international effort to cut off extremists' funding.

6/18/2013 5:31 AM EST
The Kenyan government has called on Asian countries to support its efforts to repatriate the hundreds of thousands of Somalia refugees now in refugee camps in Kenya, ahead of an international conference on the subject to be held in August this year.

6/18/2013 5:30 AM EST
Somalia's allies throughout East Africa and the Middle East are committing to help rebuild Somali military institutions through monetary and technical support.

6/18/2013 5:28 AM EST
GLOBAL Finance & Capital Limited (GFCL), the UK FCA registered corporate finance adviser, has been appointed to provide exclusive advisory services to the government of the Federal Republic of Somalia, Arun Panchariya, its Principal said.

6/18/2013 5:26 AM EST
Kenyan police shot dead two suspected militants on Monday who they said were planning attacks in the country on behalf of Somalia's al Shabaab.

6/18/2013 5:20 AM EST
Foreign Affairs Cabinet Secretary Amina Mohammed said on Monday that plans are at an advanced stage for Kenya to start repatriating Somali refugees to their country.

6/18/2013 12:42 AM EST
Kulankii Fagaaraha Qaybtiisii 5aad oo lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Click here