4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo shacabka ugu baaqay inay caruurta ka Tallaalaan Cudurka Dabaysha (SAWIRRO)


Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr:Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen Xoog), ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay caruurtoodda ka talaalaan cudurka Dabaysha oo uu sheegay inay dalalka jaarka ka bilaabantahay halisna ugu jirto inay si dhakhso ah usoo gaadho Somaliland.

Wasiirku wuxuu sheegay inay goobaha u dhow ee caafimaadka ay waalidku geyaan caruurta, maadaama oo cudurkan yahay mid halis badan ku ah caruurta qaarna u geeriyoodaan kuwo kalana u naafoobaan, sidaa darteed aanu dawo lahayn in laga talaalo mooyee, waxaanu xusay in meelaha dalka laga soo galo ay dhigi doonaan kooxaha talaalka Dabaysha si dadka soo galaya loo talaallo.

Sidaasi waxa uu wasiirku ka sheegay Kulan balaadhan Oo Lagag Hadlayay cudurka Dabaysha oo Warbaahinta loogu qabtay hotel Maansoor , taas oo dadka loogu wacygelinayo inay dhibaato khatar ahi ku xeerantahay Somaliland, ka dib markii 12 nooc oo cudurka Dabaysha ah laga helay magaaladda Xamar, Kenya iyo Yemen oo Somaliland la jaar ah.

Kulankan oo warbaahinta loogu waramayey khatarta uu leeyahay cudurkan dabaysho oo ka duwan kuwii hore, ayaa waxa soo qabanqaabiyey Wasaaradada caafimaadka iyo hay’adda UNICEF, waxaanay sheegeen inay dagaal adag la gali doonaan cudurkan Dabaysha oo dalka laga cidhibtiray 2007 oo Gobolka Togdheer laga helay, haseyeeshe lix sanno aan la arag cudurkan.

Kulankan Iskugu Jiray Aqoon Is waydaarsiga Iyo Warsaxaafadeedka ayaa Waxa lagu Baranayay Sidii Ay Warbaahintu Uga Qayb Qaadan Lahayd Wacyi Galinta Cudurka Halista ah ee Ka Dilaacay Dalalka Soomaaliya, Kenya, Yemen.

Kulankan waxa ka soo qayb Galay  Wasiirkii Wasaarada Caafimaadka , Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta, Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada,Madaxda Hay’ada WHO Iyo UNICEIF iyo Warbaahinta Qaar Ka Mid ah.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr:Xuseen Muxumed Maxmed (Xuseen Xoog), ayaa sheegay inuu inta meel aduunka ka jiro cudurkan Dabaysha ay duniddu mar walba khatar ku jirto oo uu gaadhi karo meel walba,  isagoo tilmaamay in saddexda wadan ee ugu badan cudurkan ay tahay Afgansitaan ,Pakistaan,Naygeria, Markaa Aduunka Oo Dhami waxa Uu Diyaar u yahay  inuu baabi’iyo.

 

“Inta uu meel aduunka ah Ka Jiro aduunka Oo dhamina Iskuma Halayn karo  Inta Uu Dalalkaa Saldhig Ku Leeyahay ma Jirayso Cid Ka Fayoobaanaysa, Iyadoo khatartiisa meelo badan laga soo sheegayo ayaa waxa hadana laga dayriyay jararkeena sida Soomaaliya iyo Kenya”ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka oo baaq dheer u diraya shacabka Reer Somaliland sidii ay iskaga talaali lahaayeen cudurkaasi.

“Waa arin aan Bulshadeena kaga Wacyi Galinayno Cudurkaa La sheegay Ee soo galay Qaaradeena taasi waxay keeni kartaa inuu inagana inoo soo gudbi karo, cudurkani waxa uu keena naafo waanay ka duwan yihiin naafada kale sida kuwa xabadu ku dhacda,qofka waxay ka Dhigtaa Qof JaJaban markaa Inagoo Helayna Ka Hortagan sugi mayno inta uu inagu dhacayo”ayuu yidhi wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Maxamuud Axmed Bare Garaad oo dadweynaha ku wacyigelinayey inay is talaalaan.

Wasiirka wasaarada Diinta Iyo Awqaafta  Sheekh Khaliil Cabdilaahi ayaa Ka Sheekeyay In aanay Talaalkani ahayn waxa Ka Baxsan Diinta Islaamka, Laakoin Uu Yahay mid la Ogol yahay isagoo xusay Inay Wanaagsantahay In Ilmaha La Talaalo, waxaanu sheegay in culimadda Islaamku soo jeediyeen in qofka laga talaali karo cudurada ka hor tagga leh.

Sidoo kale, Madax Hay’da WHO Ee Somaliland Marwo Aasiya Cismaan iyo madaxa sare ee hay’adda UNICEF Mr:Haydar ayaa ka sheekeeyey wakhtigii dunida laga bilaabay talaalkan oo ay sheegeen inay ahayd 1988 kii, Soomaaliyana laga bilaabay 1997, haseyeeshee mar laga helay 2007 kii, laakiin wixii ka dambeeyey aan la arag cudurkaasi dabaysha.

Waxaa Kaloo halkaa Ka Hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Ku Dheeraaday In Laga foojignaado Cudurkaa Halista ah ee dabaysha Oo Durba FaraBaas Ku Haya Dalalka Somaliya,Kenya,Yemen iyadoo Wali Laga shaki Qabo Inuu dalalka kale Ku fidi Karo, waxaanu sheegay inay golaha hor keeni doonaan xeer lagu xakameeyo dadka ka hor yimaadda talaalka.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland