4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
Dalalka Jabuuti iyo Shiinaha oo Qorsheynaya inay dib u dhis ku Sameeyaan Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho


Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dalalka Jabuuti iyo Shiinaha ayaa soo gaaray Muqdisho si ay u qiimeeyaan dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo dekedda weyn ee Muqdisho oo ah isha ay dowladda Soomaaliya ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee gudaha dalka kasoo gala.

Xubnahan ka kooban labada dal ayaa soo gaaray Muqdisho Salaasadii lasoo dhaafay, si ay ugala hadlaan madaxda dekedda Soomaaliya iyo xubnaha kale ee dowladda sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa dekedda.

“Wafdigan iyo xubnaha dowladdu waxay kawada hadlayaan sidii dib loogu casriyeyn lahaa dekedda Muqdisho,” ayuu yiri maareeyaha dekedda weyn ee Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur oo warbaahinta la hadlay.

Maareeyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waan soo dhaweynaynaa qorshe walba oo lagu casriyeynayo dekedda Muqdisho, waxaana si gaar ah u soo dhaweynaynaa wafdiga ka socda dalalka Jabuuti iyo Shiinaha.”

Sidoo kale, maareeyuhu wuxuu sheegay in dib u dhis iyo casriyeyn dekedda Muqdisho lagu sameeyo inay la macno tahay in la xoojiyo horumarka dalka Soomaaliya ee dhinaca ganacsiga iyo daqliga.

Inkastoo dowladaha Shiinaha iyo Jabuuti ay ku mashquulsan yihiin sidii ay dib u dhis ugu sameyn lahaayeen dekedda Muqdisho, ayaa haddana waxaa jira shirkad kale oo ka socota dalka Iiraan oo iyaduna doonaysa inay dib u dhis ku sameyso dekedda Muqdisho.

Shirkaddan Iiraan ka socota oo la sheegay inay ku shaqeynayso magaca ah Muqdisho Port Container Terminal (MPCT) ayaa dadaal weyn ugu jirta inay dowladda Soomaaliya u ogolaato inay dib u dhis ku sameeyaan dekedda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda doonaysa inay hesho shirkad dib u dhis ku sameysa dekedda Muqdisho oo ay ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee gudaha dalka kasoo gala, iyadoo garoonka diyaaradaha ay gacanta ku hayso shirkadda SKA Air Logistic oo dib u dhis ku sameysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya