9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
SHIIKH AXMED MADOOBE: “Dhismaha Maamulka Jubaland wax Taageero ah kagama aanan helin Dowladda Kenya”


Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo magaalada Nairobi ugu warramay wargeyska Standard ayaa sheegay in dhismaha maamulkooda uusan ahayn mid ay ka dambeyso Kenya.

Sheekh Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa sheegay in maamulkiisa uu yahay mid ay soo doorteen dadka deegaanka uuna yahay maamul si toos ah ula shaqeynaya dowladda Soomaaliya oo aan doonayn inuu Soomaaliya ka go’o.

“Kaalinta keliya oo ay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay lahaayeen waa in Al-shabaab laga saraaro gobollada Jubbooyinka, balse taageero kama aan helin dhismaha maamulkan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Sheekh Axmed wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan aysan jirin wax taageero ah oo ay ka helaan, isagoo beeniyay inay taageereen xilligii ay dagaalladu ka socdeen magalada Kismaayo.

“Ciidamada Kenya waxay ka tirsan yihiin AMISOM, waxayna halkaas u joogaan howl ay wakiil uga yihiin taliskooda, ma jirto taageero gaar ah oo aan ka helno, mana jirto dhibaatooyin ay shacabka u geystaan,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madobe.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan siyaabo kala duwan u sheegay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin ku hayaan dadka ku nool Kismaayo, ayna la kala safteen xoogaggii dhawaan Kismaayo ku dagaalamay.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha Raaskambooni wuxuu sheegay inuu dowladda Soomaaliya ula shaqeynayo qaab federaaliisim ah oo uusan doonayn inuu noqdo maamul ka go’a Soomaaliya inteeda kale.

Maamulka Jubaland oo looga dhawaaqay Kismaayo bishii hore ayaa waxaa isku haystay maamulkiisa shan ruux oo dhammaantood sheegtay inay yihiin madaxweynaha maamulkaas, kuwaasoo uu ku jiro Sheekh Axmed Madoobe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/13/2013 3:36 PM EST
Khamiis, June 13, 2013(HOL)—Shirkaan waxaa ujeedkiisa ahaa wadatashi ay qowmiyadda ka yeelatay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka. Shirkaan waxaa kasoo qeyb galey Odayaal, Waayo-arag, Siyaasiyin, Dhalinyaro, Haween iyo culumaa'udiin.

6/13/2013 10:20 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Bandhig farshaxameed kii ugu horreeyay noociisa ayay hay’adda CRD ka furtay maanta magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana xafladda furitaanka goob-joog ka ahaa dad isugu jiray Soomaali iyo ajnabi.

6/13/2013 9:16 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay iyo xubno la socday ayaa maanta tagay Hargeysa si uu kulammo ula yeesho madaxda Somailland oo uu ugu horreeyo Axmed Siilaanyo oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland.

6/13/2013 8:03 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen cusub ayaa maanta loo doortay maanta maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka tiliya deegaanno ka yaalla bartamaha Soomaaliya, waxaana xubnahan cusub ee la doortay maanta u codeeyay 23-ka xubnood ee baarlamaanka maamulkaas uu ka kooban yahay.

6/13/2013 7:38 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dalalka Jabuuti iyo Shiinaha ayaa soo gaaray Muqdisho si ay u qiimeeyaan dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo dekedda weyn ee Muqdisho oo ah isha ay dowladda Soomaaliya ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee gudaha dalka kasoo gala.

6/13/2013 7:17 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqday inuu xoojiyo sharciga qabayada ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, uuna kala tashado dhameystirkiisa bulshada Soomaaliyeed.