4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Soomaali ku hor Mudahaaradday Safaaradda Koonfur Afrika ay ku leedahay Caasimadda Dalka Sweden (SAWIRRO)


Arbaco, June 12, 2013(HOL)—Waxaa maalintii shalay aheyd ka dhacay  magaalada Stockholm ee dalka Sweden mudaharaad ay dadka Soomaaliyeed ku sameeyey safaaradda South Africa. Mudaraadkaas oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u badan oo isugu jira rag iyo dumar, caruur iyo dhallinyaro waxaa lagu muujinaayey sida ay dadka Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm uga xun yihiin dilalka loo geystay Soomaalida deggan dalka South Africa oo gaar ahaan maalmihii ugu dambeeyey la kulmay dilal iyo dhac loo geystay ganacsigooda.

 

Muharaadkaas waxaa soo abaabulay dhallinyaro rag iyo dumar leh oo deggan magaaladan Stockholm oo maalmihii ugu dambeeyey waday abaabul aad u weyn si ay u muujiyaan dareenkooda ku aaddan dilalka loo geysto Soomaalida South Africa. Halkaas oo lagu soo bandhigay qudbado iyo suugaan ku wajahan sidii ay Soomaalidu uga qeyb qaadatay xoreynta dadka reer South Africa beryihii ay ku jireen dhibaatooyinkii ay kala kulmeen maamulkii Midab-takoorka ee dowladdii ay talada u hayeen caddaanka tirade yare e South Africa. Waxaa goobta mudaharaadka ka hadlay dumar qiireysan, rag badan iyo culumo Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale goobta joogay carruur badan  oo heesaayey Soomaaliyeey toosooy.

 


Waxaa goobta mudaharaadka lagu soo bandhigay sawirro muujinaaya dilkii loo geystay Soomaalida ku nool South Africa, ayada oo tirada dadka Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaas lagu sheegay 700, ayada oo aysan jirin hal qof oo maxkamad loo soo taagay dilalkaas mid ka mid ah.

 

Waxaa mudaharaadka intii uu socday banaanka u soo baxay oo lala kulmay qunsulka dalka South Africa si loogu gudbiyo warqad cabasho ah oo la soo diyaariyey. Ururka haweenka Soomaaliyeed ee Somaliska Kvinnor Ideella Förening Husby ayaa suurtageliyay qabashada mudaharaadkan. 


Waxaa dareenka dadkii mudaharaadaayey ka muuqday cushuur waddanimo iyo in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan dhibaatooyinka ka jira dalka gudihiisa. Waxayna iskula dardaarmeen in loo midoobo xallinta Soomaaliya iyo nabad ku soo celinta dalka Soomaaliyeed.





 

C/laahi Cilmi M. (Asad) Hiiraan Online

[email protected]

Stockholm, Sweden