4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Maayarka Hargeysa oo casuumay Ciyaartoyda Gobolka Maroodi-jeex, kana dhagaystay cabasho ay tirsanayeen (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Maayirka magaalada Hargeysa, C/iraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa xalay casho sharaf u sameeyey ciyaartoyga u ciyaarayey gobolka Maroodi jeex, kuwaas oo iskugu jiray ciyaartoyga kubadda cagta, kolayga iyo Orodadda.

Casho sharaftan ayaa xalay ka qabsoontay hoteelka Afrikan Village ee magaladda Hargeysa, waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiinta ciyaartoyga u ciyaarayey gobolka Hargeysa, xildhibaanadda golaha Deegaanka Hargeysa iyo maayarka , waxaanay dhalinyaradda ugu bushaareeyeen inay wax badan la qaban doonaan, isla markaana duruufaha ku gadaaman ay wax kala qaban doonaan.

Masuuliyiin xulalka gobolka Maroodi jeex u hadlay ayaa sheegay inay dhalinyarada ay haysato dhaqaale daro iyo dhiirigalin la’aan, isla markaana aanay jirin cid taageerta ciyaartoyga gobolkan, haddii ay ahaan lahayd ganacsatada, Qurbojoogta iyo dadweynaha magaaladda Hargeysa, waxaanay maayarka usoo jeediyeen inuu wax ka qabto dhibaatadda la daristay.

Sidoo kale, waxa ciyaartoyga u markhaati furay xildhibaan Ismaaciil Cago yare oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka, gaar ahaan guddida arrimaha bulshadda, waxaanu  sheegay inay xulka gobolka Maroodi jeex oo guullo badan soo hooyey aanay jirin cid taageerta ama dhiirigalisa, isagoo tilmaamay in mudadii ay ciyaaruhu socdeen aanay jirin wasiir xukuumadda ka tirsan oo xulka gobolka Hargeysa taageeray ama dhiirigaliyey, isla markaana xiita kala qaybgalay tartankooda, halka wasiiradda kale marka ay ciyaartoyga goboladoodu ciyaarayaan ka soo qaybgalaan oo ay dhiirigaliyaan, waxa kale oo uu xusay in aanay jirin cid xukuumadda, ganacsatda iyo qurbojoogta ka mid ah oo booqatay guriga ay ku nool yihiin ama wax kala qabatay duruufaha nololeed ee haysta.

Xildhibaan Ismaaciil Cago yare waxa uu sheegay in shirkadda Telesom iyo DAHABSHIIL oo kaliya ay lacag ku caawiyeen ciyaartoyga, haseyeeshee cid kale oo wax u tartay aanay jirin, isagoo Maayarka ugu baaqay inuu arrimahaa  jira iyo waxtar la’aanta wehelka u noqday gobolka Maroodi jeex uu wax u qabto.

Maayarka Magaaladda Hargeysa Md:Cab diraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), ayaa sheegay inuu ka xunyahay in aanu dalka joogin markii ay ciyaaruhu bilaabmeen, haseyeeshee uu balanqaaday inuu wax badan ka caawin doono ciyaaraha, isla markaana uu buuxin doonno halka ay wasiiradda iyo ganacsatadda reer Hargeysa gabeen.

Sidoo kale, waxa uu balanqaady in garoomadda Hargeysa Stadium uu dhigi doonno doog,isla markaana uu qurxin doonno si ay ciyaaraha iyo garoonkuba u qurux bataan, waxaanu intaas ku daray inuu miisaaniyadoodda ku daray 2% lagu horumarinayo ciyaaraha magaaladda Hargeysa.

Waxa iyaguna xafladda ka hadlay xildhibaan Cisman Waxar, Axmed Daahir, Saleebaan Dogox iyo Xasan Shahar oo dhamaantood ku dheeriday inay muhiim tahay in ciyaartoyga gobolka Maroodi jeex la taageero si ay guulo badan usoo hooyaan.

Haseyeeshee waxa markiiba dhaliishii loo soo jeediyey inay wasiiradda Reer Hargeysa taageerin xulalka gobolkooda u ciyaaray ka soo jawaabay wasirka Maaliyadda oo isla maanta qaddo sharaf u sameeyey ciyaaryahanada gobolka maroodi jeex.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale ayaa sheegay inuu taageerayo xulka gobolka Hargeysa u ciyaaraya, waxaanu usoo jeediyey inay anshaxa iyo  ciyaar wanaaga u horseedaan gobolada kale, maadaama oo iyagu caasimadii joogaan.

Sidoo kale waxa isaguna casuumad u balanqaaday ciyaartoyga gobolka Maroodi jeex wasiirka Kalluumaysiga Cabdilaahi Geeljiro oo sheegay inuu isagu casuumad u samayn doono xulalka gobolka Maroodi jeex maadaama oo uu yahay wasiir reer Hargeysa ah.

Si kastaba ha ahaatee, casuumadan maanta loo sameeyey ciyaartoyga gobolka Maroodi jeex ayaa waxa iskugu yimid ganacsato, xildhibaanada baarlamaanka iyo golaha deegaanka, maamulka gobolka Maroodi jeex, maayarka caasimada  iyo xubno wasiiro ah, kuwaas oo balanqaaday inay taageero xoogan siin doonaan xulalka gobolka Maroodi jeex oo guullo badan usoo hooyey gobolkoodda.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland