4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2013
Aqoon-Korodhsi lagaga Hadlayo Maamulka iyo Qorsheynta Mashaariicda oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Kulan aqoon korodhsi ah oo ay ka soo qaybgaleen ururadda maxaliga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ay iskugu yeedhay Hay’adda Sweden u qaabilsan mucaawimooyinka ee magceedda la yidha Forum SYD.

Aqoon korodhsigan oo  socon doonno saddex cisho, ayaa lagaga hadlayey Maamuladda iyo qorshaynta mashaariicdda ay bixinayso Hay’adan iyo baahiyaha ka jira deegaanadda Soomaalida iyo urur waliba  inuu soo diyaariyo meelaha uu is leeyahay wax baad ka qaban kartaa.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr:Sacad Cali shire, Wasiirka Deegaanka iyo Miyiga Prof:Maxamuud Siciid Muxumed (Gacamey), Maayarka magaaladda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, xoghayaha guud ee golaha Guurtidda Cabdilaahi Dheere, maayarkii hore ee Gabiley Khadra Xaaji Gaydh iyo Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Sweden Marwo Roodda Jaamac.

Madaxa mashaariicda SYD Mr:Musie Ephrem ayaa sheegay inay hay’adoodu ka hawlgasho koonfurta iyo bariga afrika, isla markaana ay doonayaan sdiii ay ula shaqayn lahaayeen ururada ka jira Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo saddexda cisho ee aqoon korodhsiga ka faa’iidi doonaan qaabka ugu haboon ee horumarka magaalooyinka ay ka hawlgalaan u samaysan lahaayeen iyo baahiyaha ka jira sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si fiican loogu fiirsado mashaariicda la qoranayo si ay ugu guulaystaan, waxaanu tilmamay in mashaariic dhowaan bangiga aduunku bixinayey ay soo codsadeen 1,750 qof, balse ay ku guulaysteen mashaariicdaasi 80 qof, halka ay waayeen 1,670 qof, waxaanu tilmaamay inay samaystaan weekii ay wax ku shuban lahaayeen, isla markaana ay  ay hay’aduhu qiimeeyaan baahidda jirta, qaabka loo soo qortay iyo xisaab celinta kuwii hore, sidaa darteed ay fahmaan qaababka loo mamaulo mashaariicdda si ay ugu guulaystaan.

Wasiirka deegaanka  iyo horumarinta reer Miyiga Prof:Maxamuud Siciid Muxumed (Gacamey) ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii loo samaysan lahaa qorshe cad oo wax lagaga qaban karayo miyi iyo magaalo, sidoo kale waxay ugu baaqay ururada ka qaybgalaya siminaarka inay ka faa’iidaystaan kuna dadaalaan inay qortaan mashariic lagu ilaalinayo deegaanka.

Maayarka magaaladda Hargeysa C/raxman Soltelko ayaa isna soo jeediyey inay mashaariicda ay qoran doonaan ku darsadaan waxyaalaha dawladda hoose ka wada shaqayn karaan, maadaama oo dawlada hoose baahi weyn u qabto arrimo badan oo lagala shaqeeyo sidii magaaladdu u noqon lahayd mid horumarsan.

Sidoo kale waxa fanaaniinta Qaranku madasha ku soo bandhigeen heeso iyo majaalo wacyigelin ah oo ka hadlaysay sidii deegaanka loo ilaalin lahaa iyo sidiii qashinka iyo xaalufka lagu waddo dhirta si wada jir ah loo wadda ilaalin lahaa, taas oo madaxdii kulanka ka soo qaybgashay iyo dadweynihii joogay aad u guubaabisay.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland