4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Kooxo hubeysan oo deegaan ku dhow degmada Mandheera ku dilay Afar qof oo ay ku jireen caruur iskuuul dhiganayay

Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa lagu dilay laba kalena waa la dhaawacay iyadoo la la’yahay toddoba ruux oo kale, kaddib markii gaari ay dadkaan la socdeen ay kooxo hubeysan ku weerareen deegaanka Qooqe oo ka tirsan degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Weerarkan oo dhacay talaadadii shalay sida ay booliiska Kenya warbaahinta u sheegeen ayaa waxaa lagu qaaday gaari Land Cruiser ah oo magaalada Mandheera ka tagay kuna socda deegaanka Takaba.

Taliyaha booliiska deegaanka Takaba, Joseph Tenai ayaa xaqiijiyay inay ku weerareen gaariga kooxo hubeysan deegaanka Qooqe oo 56-km u jira deegaanka Takaba oo gaarigu uu ku socday.

“Kooxaha hubeysan waxay gaariga ku fureen rasaas waxaana halkaas ku dhintay saddex ka mid ah rabaakii gaariga la socday iyo darawalkii, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Joseph Tenai.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in dadka dhintay waxaa ku jiray caruur iskuul dhiganaysay, waxaana maqan toddoba qof oo ka mid ah rakaabkii la socday gaariga, kuwaasoo aan la ogeyn in kooxihii weerarka soo qaaday ay afduubeen iyo inay carareen.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu sheegay in khamiistii lasoo dhaafay lagu dilay laba ruux lagu dilay deegaankaas, laba gabdhood oo kalena la afduubay, taasoo ku dhacday aanooyin beeleed halkaas ka taagnaa tan iyo bishii hore.

Ugu dambeyn, taliyaha booliiska wuxuu sheegay in rasaastii gaariga lagu furay ay dishay siddeed neef oo geel oo ka mid ahaa xoolo deegaankaas daaqayay, waxaan tani ay sare u qaadaysaa falalka ammaan-darro ee dalka Kenya ka dhacaya.

Dalka Kenya oo daris la ah Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu ciidamadiisa u soo diray Soomaaliya bishii Oktoober ee sannadkii 2011 waxaa ka dhacayay falal ammaan-darro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan aan la garanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya