4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Howgallo dad badan lagu soo qab-qabtay oo booliiska Somalia iyo AMISOM ay ka Sameeyeen Xaafadda Suuqa Xoolaha

Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof oo dhallinyaro ah ayay booliiska Soomaaliya kuwa AMISOM waxay maanta ka sameeyeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Suuqa xoolaha.

Saraakiisha booliiska Soomaalida ee howgalkan ka qaybqaadanaya ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii lagu qabtay howgalkaas lasii daayay balse ay weli gacantak ku hayaan kuwo kale oo ay uga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Xaafadda suuqa xoolaha ayaa intii uu howlgalku socday waxaa la hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga, dadka iyo gaadiidka iyadoo halkaas ay ku sugnaayeen gaadiidka gaashaaman ee ay wateen ciidamada AMISOM oo ka qaybgalayay howgalka.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dhawaan sheegay in Muqdisho loo baari doono guri-guri si loosoo qabto dad ay sheegeen inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin oo ku sugan caasimadda.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa u sheegay warbaahinta inay arkayeen dhallinyaro indhaha laga xiray oo ay sii wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Aroornimadii ee saakay ayay ciidamadu soo galeen xafaadda, waxayna guri-guri u baareen xaafadda oo ah mid weyn, guryaha qaarkood ayay ka soo saareen dhallinyaro ku sugnaa,” ayay tiri haweeney lagu magacaabo Nuuro Sheekh oo ka mid ah dadka ku nool degmada Huriwaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo howlgal noocan oo kale ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan Muqdisho inkastoo ay weli jiraan falalka dilalka qorsheysan ah oo ay Al-shabaab ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalka kaddib ayay dadka deegaanka Suuqa Xoolaha waxay sheegeen in dhaqdhaqaaqii ganacsiga, gaadiidka iyo isku socodka dadku uu caadi kusoo laabtay, iyadoo dadka intooda badanna ay hadal hayeen howgalkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya