4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Afar Caruur ah oo ku Geeriyoodey Dab Qabsaday Mid kamida Xeryaha ay ku nool yihiin Barakacayaasha ee ku yaalla Garoowe

Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Dab khasaare geystey ayaa abbaare 10:00-kii barqonimo ee maanta ka kacay mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kaamka uu dabku qabsaday oo lagu magacaabo Kaam Ajuuraan, waxaa ku dhaqan boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaas oo intooda badani ay kasoo barakaceen gobollada koonfureed ee dalka.

Dadbka oo ahaa mid xooggan ayaa sababay geerida 4-ilmood oo isku qoys ah, iyadoo sidoo kale ay ku bas beeleen in ka badan 200 oo guri oo cooshado ka sameysan (buushash).

Caruurta walaalaha ah ee geeriyoodey ayaa xilligii uu dabku kacayey ku xirnaa gurigooda, waxaana sidoo kale xilligaas aan goobta joogin labadooda waalid oo suuqa shaqo ugu maqnaa.

Jawaari Siciid oo ah aabaha dhalay caruurta dabku laayey oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa sheegay in arintan dhacday ay tahay mid horay u qorneyd oo dulqaad u baahan.

"Anigu maba joogin guriga, shaqadaan jirey, islaantana iskool ayey jirtey, ilmuhuna waxay kala ahaayeen hal wiil iyo saddex gabdhood...dareenkeygu waa caadi, wax qoran ayey ahayd" Jawaari Siciid ayaa yiri.

Dhinaca kale, dab kaas lamid ah ayaa maanta qabsaday xero ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku taal bariga magaalada Boosaaso, dabkan oo gubey in ka badan 80 guri, ma jirto wax khasaare nafeed ah oo uu geystey.

Xilliga xagaaga oo ay inta badan dalka ka dhacaan dabeylaha xagaaaga, waxaa kor u kacda tirada dababka qabsada xeryaha barakacayaasha oo iyagu ah kuwo u nugul dabka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya