9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in xiisadda ka jirta Kismaayo ay ku wajihi doonaan qaab Wadahadal ah


Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay maanta in xiisadaha ka taagan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay ku wajibi doonaan qaab wadahadal iyo nabad ah.

Mudane Saacid ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in wax walba oo xiisad siyaasadeed ah inay ku wajahndo nabad iyo wadahadal isagoo ugu baaqay inaanay xabbad dambe ka dhicin magaalada Kismaayo.

“Dowladdu waxay xiisadaha ka jira Kismaayo ku wajahaysaa qaab nabad iyo wadahadal ah, waana taas midda aan doonayno inaan gaarsiinno meel walba oo dalka ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Kismaayo waxay ku baaqayeen in dagaalladaas la joojiyo laguna dhameeyo khliaaf walba oo jira wadahadal iyo nabad, iyadoo madaxdu ay u muuqdeen kuwo mid walba uu si gaar ah uga hadlayo arrinta Kismaayo.

“Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada isku haya magaalada Kismaayo inay soo dhaweeyaan oo ay aqbalaan oo dagaal dambe uusan ka dhici magaalada,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Inkastoo xaaladda magaalada Kismaayo ay haatan tahay mid deggen ayaa haddana waxaa laga soo sheegayaa inay ka jiraan xiisado weli u dhexeeya dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay, waxaana ku dhexjira odayaal doonaya inay isku keenaan labada dhinac.

Xubnihii dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo ayaa qaarkood dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyadoo xubnaha qaarkood ay sheegeen in sababta ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay inay arrimaha ka taagan magaaladaas kala tashadaan madaxda dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay shaaca ka qaaday in dowladdu ay dhawaan qaban doonto shir la isugu keenayo dhammaan dad kazoo jeeda deegaannadaas si ay uga tashadaan aayahooda nabadeed iyo midkooda maamul.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/11/2013 2:25 PM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah ragga isku haysta xilka madaxweyne ee maamulka Jubbaland ee bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

6/11/2013 1:50 PM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Maxaabiis iyo gaadiid muddo dheer ay kala haysteen maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa makhribnimadii shalay oo Isniin ahayd lagula kala wareegay duleedka degmada Xuddun ee gobolka Sool.

6/11/2013 8:50 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Maroodi jeex, ayaa maanta soo saartay amar ay ku xayirayso wargeyska madaxa banaan ee Hubaal oo Hargeysa ka soo baxa.

6/11/2013 8:37 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof oo dhallinyaro ah ayay booliiska Soomaaliya kuwa AMISOM waxay maanta ka sameeyeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Suuqa xoolaha.

6/11/2013 8:22 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Dab khasaare geystey ayaa abbaare 10:00-kii barqonimo ee maanta ka kacay mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

6/11/2013 7:54 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Madaxda dowladda Soonaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqataan sidii Soonmaaliya looga cirib-tiri lahaa cudurka halista ah ee dabeysha, kaddib markii ay madaxdu ka hadleen kulan ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha bulshada oo ka dhacday Muqdisho.

6/11/2013 4:01 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Tababar soconaya muddo afar maamood ah ayaa wuxuu uga furmay dugsiga tababarrada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneral Kaahiye 14-sarkaal oo ah taliyayaasha booliiska Soomaaliyeed ee gobollada dalka.