4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Hay’adda SAACID oo xafiisyo cusub ka hirgelisay Maanta degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusayay furitaanka iyo wareejinta xafiisyo cusub oo hay’adda SAACID ka hirgelisay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmadaas, iyadoo munaasabaddii furitaanka xafiisyadaas ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay maamulka degmada Kaaraan, madaxda hay’adda SAACID iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenada arrimaha bulshada iyo aminiga ee degmada Kaaraan, Muxyadiin Culusow Xasan iyo Maxamed Axmed Jagaf oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan xafiisyada cusub oo ay hay’adda SAACID ka hirgelisay degmada Kaaraan, waxayna sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen qaabkii ay bulshada u ilaashan lahayd xafiisyadaas loo sameeyay, maadaama iyaga lagu wareejiyay.

Mas’uuliyiintu waxay caddeeyeen inay ku faraxsan yihiin dhismayaasha kala duwan oo SAACID ay ka hirgelisay degmadooda, iyagoo tilmaameen inay dhismayaashaas oo ka koobnaa sagaal xafiis, lix musqulood iyo hool weyn oo loogu talo-galay in lagu qabto shirarka iyo xafladaha, iyagoo hoosta ka xirriiqay in xafiisyadaas loo adeegsan doono adeegyada bulshada.

Madaxa hawlgelinta hay’adda SAACID, Cabdullaahi Maxamed Xaydar iyo madaxa dhismaha hay’adda SAACID, Inj. Axmed Cali oo iyagana ka hadlay halkaas ayaa ka warbixiyay qaabkii ay hay’adda SAACID u hirgelisay xafiisyada degmada Kaaraan, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay ku wareejiyaan xafiisyadaas maamulka degmada, iyagoo dhanka kale u mahadceliey hay’adda Qaramada Midoobay ee HABITAT oo gacan mug leh ka geysatay dhismaha xafiisyadaas.

Intii ay munaasabaaddu socotay waxaa suugaan kala duwan halkaas kusoo bandhigay qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan haweenka degmada Kaaraan, kuwaasoo lagu muujinaayay sida ay dadka degmadaas ku nool ay ugu faraxsan yihiin xafiisyada ay u dhistay hay’adda SAACID.

Ka hor inta aan la qabanin xafladda waxay madaxda labada dhinac kusoo wareegeen xafiisyada cusub oo isugu jiray xafiisyada dhalinyarada, maxkamadda, olombikada, guddiga nabadda, dowladda hoose, Haweenka iyo kuwo kale.

Hay’adda SAACID ayaa horay xafiisyo noocan oo kale ah uga hirgelisay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo loogu talogalay in loogu adeegto shacabka ku nool degmooyinkaas.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya