4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Xaalad Deggenaan ah oo maanta ka jirta Magaalada Kismaayo iyo dadaallo nabad raadin ah oo ka socda Magaalada

Isniin, June 10, 2013(HOL) :- Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa ah mid dagan walow aan ilaa imika lakala qaadin ciidamadii isku horfadhiyay gudaha magaalada ee kala taabacsanaa maamulka Kismaayo iyo ciidamada daacadda u ah Iftiin Xasan Baasto oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta sheeganeeysa hogaanka Jubbaland.

Odoyaal dhaqameed reer Kismaayo ah ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan in ay ku dhexdhexaadiyaan dhinacyada iska soo horjeeda, waxaana wadahadalladaasi ay marayaan meel wanaagsan sida uu warbaahinta u xaqiijiyay mid kamid ah odoyaasha deegaanka ee u istaagay xallin colaada ka aloosan Kismaayo.

Xaaladda magaalada ayaa shalay ilaa maanta ahayd mid dagan walow ay jirto cabsi ay dadku ka qabaan in ay markale dhacaan dagaallo, maadaama ciidamadii dagaallamay ay isku horfadhiyaan xaafado ku yaal bartamaha magaalada.

Goobihii ganacsi ee magaalada oo saaka dib u furmay ayaa mar qura ilbaabada la isugu dhuftay, waxayna arintaasi ka danbeeysay kadib markii ay cabsi lasoo darastay ganacsatadii magaalada.

Max’ed C/dilaahi oo kamid ah dadka ku ganacsada suuqa balcadka ee magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in ay ilbaabada isugu dhufteen goobahoodii ganacsi, wuxuuna sheegay in ay arintasi ka danbeeysay kadib markii ay suuqa soo buuxdhaafiyeen ciidamo aad u huubeeysan, kuwaasoo uu sheegay in ay cabsi ku abuureen dadkii ganacsatada ee suuqaasi ku sugnaa.

Xiisadahan u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda Jubooyinka ee ka taagan magaalada Kismaayo ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay guud ahaan bulshada ku dhaqan Kismaayo maadaama ay maalintii afaraad xiranyihiin adeegyadii muhiimka ahaa ee bulsahada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya