3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Tartan Qur’aan akhris ah oo ay ka qaybgaleen Todoba deegaan oo Degmada Taleex lagu soo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)


Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Tartan Qur’aanka akhris ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa halkaas lagu soo gabgabeeyay, iyadoo abaalmarinno la guddoonsiiyay afartii arday ee kaalinta hore ka galay tartankaas.

Tartankan oo ay ka qayb-qaadanayeen arday ka kala timid magaalooyinka Xuddun, Awr-boogeys, God'aalo, Fiqi-Fuliye, Laasa-curdan, Biyo-guduud iyo magaalada Taleex oo iyadu marti-gelinaysay, iyadoo munaasabadda lagu soo gabgabeynayay tartankan ay kasoo qaybgaleen culummo, waxgarad iyo dadweyne fara badan oo lagu casuumay.

Ardaydii kaalimaha hore ka galay tartanka ayaa waxay kala ahaayeen:

  1. C/risaaq C/laahi Maxamed oo ka socday tuulada God'aalo oo ka tirsan degmada Taleex Gobolka Sool oo galay kaalinta koowaad
  2. C/rashiid Maxamed Maahir oo ka socday deegaanka Awr-Boogays isagoo galay kaalinta labaad
  3. C/risaaq Xuseen Cabdi oo ka socday deegaanka Fiqi-fuliye oo ka tirsan degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag oo galay kaalinta saddexaad
  4. Kaalinta afaraad Maxamed Sheekh Daahir Khaliif oo ka socday degmada Taleex ee gobolka Sool isagoo galay kaalinta afaraad

Ugu dambayntii waxaa shahaadooyin iyo abaalmarinno kala duwanla siiyay ardaydii kaalmaha hore galay, waxaana guddoonsiiyay Suldaan Siciid Guuleed San-yare wuxuuna ku boorriyay  ardaydii kasoo qaybgalay tartanka inay dadaal sameeyaan si ay u gaaraan kaalimaha hore, isagoo ka codsaday ganacsatada iyo waaliidiintaba in loo guntado sidii loo dhiirri-gelin lahaa carruurta si ay jahliga uga badbaadaan.

Ganacsade C/raxmaan Cumar Cali oo ka mid ahaa dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda ayaa lacag dhan 200 oo doollarka gudoonsiiyay ardaygii kaalinta koowaad galay, waxaanu ballan-qaaday inuu sannad walba lacatan oo kale siin doono ardaygii kaalinta koowaad ka gala tartanka Qur’aan akhriska ah.






Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, GobolkaSool













Click here
7/6/2013 11:57 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Puntland, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxaana ka mid ahaa wafdigan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

7/6/2013 11:30 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-dagtay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay, iyagoo magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ay kusoo ban-dhigeen waxqabadkooda muddadii sanadka ahaa ee ay jireen.

7/6/2013 9:48 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Baaritaanno lagu sameynayo dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Kismaayo ayaa manta ka billowday Muqdisho, iyadoo ay booqdeen maanta isbitaallada ay ku jiraan xubno ka socda ururrada ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.

7/6/2013 7:59 AM EST
Inkastoo xukuumadda Kenya aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin xumaanshaha xiriirka diblamaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa haddana wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya aad looga dareemayaa halka uu gaaray xiriirka labada dal.

7/6/2013 7:26 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Wafti ka kooban wasiiro iyo xubno labadda gole Baarlamaan ka kooban, ayaa shalay u anbaxay dalka Turkiga si ay u fuliyaan ballantii hore loogu qabtay in saddex bilood ka dib la bilaabo wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

7/6/2013 2:10 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xiran Muqdisho.

7/6/2013 2:09 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar ka mid ah dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Bakool shalay oo Jimco ahayd.