4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo markii ugu horreysay ka hadlay Xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys

Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xiran Muqdisho.

Danjire Kay ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir oo ka mid ahaa xubnaha sarsare ee Al-shabaab, horayna uu u ahaa hoggaamiyaha Xisbul Islaam oo ku biiray Al-shabaab uu yahay hoggaamiye xag-jir ah marka loo eego xubnaha kale ee ay kawada tirsanaayeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay iyo Mareykanka waxay xayiraad dhinaca duulimaadka ah saareen Sheekh Xasan Daahir iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana keliya oo lagu cafin karaa inuu ka tanaasulo falalkii uu horay ugu jiray iyo inuu caddeeyo fikirka uu Al-shabaab ka aaminsan yahay,” ayuu yiri danjire Kay.

Ergaygu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo isa soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir isagoo ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay Qaramada Midoobay ka yeelayso Sheekh Xasan Daahir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay u baahan yihiin fursad yar si go’aan looga gaaro arrinta Sheekh Xasan Daahir oo ay gacanta ku hayaan, inkastoo uu Muqdisho ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo xariga wadaadkan.

Sheekh Xasan Daahir ayaa bishii hore kasoo goostay degmada Baraawe oo ay ka taliso Al-shabaab, kaddib markii ciidammo taageerayaashiisa ah iyo kuwa Al-shabaab ay isku dhaceen, wuxuuna intii aan la keenin Muqdisho ku sugnaa degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Inkastoo aan la ogeyn go’aanka ay dowladdu ka qaadanayso Sheekh Xasan oo lagu tiriyo dadka mayalka adag ee ka tirsanaa Al-shabaab ayaa haddana wuxuu weli ku xiran yahay xarunta hay’adda nabadsugidda Qaranka oo si aad ah loo ilaalinayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya