4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Xayiraaddii Saarnayd Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho intii dagaallada sokeeye socdeen oo si rasmi ah loo qaaday


Jimco, July 05, 2013 (HOL) - Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa shaaciyay in Xayiraad saarnayd ayraboorka Aadan cadde intii dagaallada sokeeye socdeen si rasmi ah loo qaaday.

“Warqad aan ka helnay hay’adda caalamiga ah ee duulimaadyada ee “ICAO”  ayaa naloogu cadeeyay in xayiraad caalami ah oo ayraboorka saarnayd la qaaday” ayuu yiri wasiirku.

Somali_Telecom1.jpg

Isagoo siinayay waraysi gaar ah Hiiraan Online (HOL)ayuu wasiirku sheegay in ayraboorku horay ugu jiray liiska Zone 5 oo ah ayraboorrada xayiraadu saarantahay balse haatan caalamku uu go’aansaday inaysan jirin khatar dhanka ammaanka ah oo xayiraadaasu uu sii saarnaato karto ayraboorka.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in shirkadda Turkiga ah ee maamuli doonta ayraboorka caalamiga ah ee Aadan Cadde loo ogolaaday kadib markii lix bilood dawladu ay daraasaynaysay.

“Daraasad dheer iyo wadatashi badan oo socday muddo lix bilood ah kadib ayaa golaha wasiirradu arrintaas si guud ku ansixiyeen, maadaama aan ognahay shaqooyinkii hore ee hay’adaha Turkigu waddanka ka qabteen oo lagu wada guulaystay". ayuu sii raaciyay.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya