4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maanta daah-furay Qorshe wax looga qabanayo Ammaanka Muqdisho


Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wasiirrada xukuumadda, guddoomiyaha gobolka banaadir, taliyayaasha ciidamada dowladda iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u furay barnaamij muddo laga soo shaqaynayay oo lagu xoojinayo amniga Muqdisho.

Mudane Saacid ayaa sheegay in dowladdu toddobadii bilood ee lasoo dhaafay ay wax weyn ka qabatay amniga, inkastoo ay jireen falal ammaan liddi ku ah oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya,

“Dowladdu waxay mudnaanta kowaad iyo tan labaadba siisay sidii amniga lagu xaqiijin lahaa, waxaana nala soo weeraray maalin cad, dagaalka na haystana waa mid caalami ah, sidaa daraadeed dagaalka aan kula jirno kuwa nabadda diiddan waa inuu noqdo mid ballaaran oo laga wada qayb-qaato, Toddobadii bilood ee ugu dambaysay amniga waxaan galinnay waqti badan, balse kama aynaan badbaadin qaraxyo iyo dilal,” ayuu yiri Saacid oo ka hadlayay furitaanka kulanka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu yiri: “Xukuumaddu waxay way ballan-qaadaysaa in ciidamada booliisku ay u helaan mushaaraadkooda si joogta ah laga bilaabo bishaan. Waxay sidoo kale helayaan gunnooyin iyo raashinkii ay xaqa u lahaayeen, mana noqon doono mushaarkaas mid ay hay’ado ay bixin doonaan. Waxay kaloo dowladdu diyaarisay dhammaan agabayadii ay ku howlgeli lahaayeen ciidamada, lixda bilood ee soo socota waxaan ku rajo ka qabnaa in caasimadda ammaankeeda uu noqdo mid ka wanaagsan meesha uu hadda taagan yahay.”

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamud Axmed Nuur Tarsan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in qaabka ugu habboon oo amniga loo xoojin karo uu yahay in laga hortago caqabadaha soo noq-noqday ee khatarta ku ah amniga Muqdisho

 

“Dhammaan degmooyinka gobolka waxaan ka billownay darisayn, waxaana illaa hada lagu guulaystay 14-degmo, waxaana la isku xirayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, markii lasoo dhamaystiro barnaamijkan darisaynta ah, waxaan rajo fiican ka qabnaa in si buuxda loosoo celiyo amniga magaalada,” ayuu yiri Tarsan.

Duqa Muqdisho wuxuu sidoo kale xusay in caasimadda Soomaaliya ay ka ammaan fiican tahay caasimadaha dunida qaarkood sida: Baqdaad iyo Kaabuul, balse la sheego in Muqdisho ka khatar badan tahay, taasna ay sabab u tahay hubka faraha badan ee lagu dhex wato.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in labadii munaasabadood ee lagu xusayay markii ay Soomaaliya ka xorowday gumeysiga Soomaaliya laga hortagay falal la doonayay in lagu waxyeelleeyo ammaanka.

“Haddii aysan jirin bulsho ku xiran guddoomiyeyasha degmooyinka iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada way adagtahay in ammaanka wax laga qabto, waana in la dhiso guddi amni oo heer degmo ah, markii gobolka Banaadir uu soo dhamaystiro barnaamijka darisaynta ayaan u samaynaynaa qorshe wax looga qabanayo nabad ku soo dabaalidda caasimadda,” ayuu yiri Guuleed.

Ugu dambayntii, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu jiro qorsha kale oo loogu magac daray Shabeel, kaasoo ay xukuumaddu dhamaystirtay lana daah-furi doono dhawaan, qorshaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid guud ahaan dalka looga saarayo Al-shabaab iyo kuwa nabadda diiddan, si guud ahaan dalka la isugu furo.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya