4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Kooxo Bastoolado ku Hubeysan oo Siyaabo kala duwan ugu Dilay Degmada Marko Ganacsade iyo Suldaan caan ah


Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba oo kala ahaa ganacsade iyo suldaan ayaa ku dilay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo kooxahaas ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobaha ay dilka ka geysteen.

Labada qof ee la dilay ayaa waxay saakay aroortii ku toogteen Marko mid ka mid ah ganacsadaha degmadaas oo lagu magacaabi jiray, Garweyne Sheekh Xasan iyo suldaan, Sheekh Mad Nuur oo salaaddii duhur kaddib ay ku dileen isla degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in kooxaha dilalkan geystay ay ahaayeen dhallinyaro ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo aanay u suurogelin maamulka inay gacanta ku dhigaan.

Mas’uul ka tirsan degmada Marko ayaa sheegay in dilalkaas ay ahaayeen kuwo ay geysteen kooxo ka tirsan Al-shabaab, isagoo xusay inay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxahaas.

Sidoo kale, mas’uulka u hadlay maamulka degmada Marko ayaa xusay inay ka jirto degmada marko xaalad aad amni-darro baahsan, iyadoo aysan jirin wax Al-shabaab kasoo baxay oo ku saabsan inay mas’uul ka yihiin dilalkan ama ay ku beeniyeen.

Suldaanka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa suldaanka beesha Jiiddo oo ka mid ah beelaha daga gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya oo qaybo ka mid ah ay weli ka taliso Al-shabaab.

Degmada Marko ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ka qabsadeen Al-shabaab sannadkii hore, iyadoo dhowr jeer oo hore ay falal noocaas oo kale ah uga dhaceen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya