3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Milleteriga Masar oo xukunka dalkaas la wareegay, madaxweyne KMG ahna magacaabay

 Arbaco, July 03, 2013 (HOL)—Kaddib mudaharaadyo xiriir ahaa oo dhawaanahan ka socday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, gaar ahaan halkii looga mudaharaaday Madaxweynihii hore Maxamed Xusni Mubaarak ayaa waxay ugu dambeyntii keeneen in xukunka xoog looga wareejiyo madaxweynaha Masar Maxamed Musri oo xilli yar waddanka soo xukumayay.

 

Mileteriga dalka Masar ayaa xukunka kala wareegay Maxamed Musri kaddib markii uu diiday soo jeedin uga timid  Milleteriga oo ahayd in uu xukunka ka dego, uuna tixgeliyo cabashada iyo dalabka dadweynaha Masar ee ah in uu xukunka ka dego.

 

Maxamed Musri ayaa xukunka dalka Masar qabtay kaddib markii xisbigiisa Akhwaanul-Muslimiin uu ku guuleystay doorashadii dalka Masar kagadaal kacdoonkii shacabka dalka Masar ee ugu dambeyntii keenay in madaxweynihii hore Xusni Mubaarak xukunka awood shacbi looga dejiyay.

 

Maxamed Musri ayaa weli ku adkeysanaya in aysan sax ahayn in uu xukunka uga dego kacdoon iyo af-gembi sida uu yiri lagu sameeyay baraha internet-ka ee ay bulshada ku kulmaan (social media), wuxuuna sheegay in doorasho xaq ah uu xukunka ku qabtay.

 

Madaxa Cadaaladda dalka Masar Adly Mansuur ayaa si KMG ah loogu dhiibay xukunka dalka Masar, wuxuuna xukunka heyn doonaa illaa iyo inta laga soo dooranayo Madaxweyne kale oo la soo doorto, iyadoo xilkan KMG ah loo dhaarin doona Khamiista berri ah.

 

Haddaba Mustaqbalka dalka Masar iyo cidda bedeli doonta Maxamed Musri ee ku soo bixi doonta  doorashada dhici doonta ayaan la saadaalin karin, waxaase xilkaas isu raba Madaxii Hay’adda Atoomikada iyo Tamarta (IAEA) MAxamed Al-baraadiici oo ugu horreeya musharrixiinta mucaaradka ah ee dalka Masar.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

 













Click here
7/3/2013 4:12 PM EST
Arbaco, July 03, 2013(HOL) — Xukuumadda Britain ayaa ku dhawaaqday in ay mamnuuceyso qaadka oo ay u aragto in uu halis caafimaad sababo, isla markaana uu la mid yahay daroogada qaarkeed.

7/3/2013 11:30 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia dajire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaasoo ay kaga hadleen dagaalladii ka dhacay Kismaayo.

7/3/2013 10:51 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo todobaadyadii ugu danbeeyey safar shaqo dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

7/3/2013 9:34 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyeen hindise sharciyeedka dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka dalka.

7/3/2013 9:10 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa madaafiic hoobiye ah xalay iyo saakay ku weeraray saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo ku kala sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo warshadda Xaseey, lana oga khasaaraha ka dhashay weerarradaas.

7/3/2013 8:42 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Iyadoo lagu guda jiro wareegii labaad ee ololaha doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland, islamarkaana maanta uu ku qornaa ururka xukuumadda ee HORSEED, ayaa waxaa ciidamo aad u tira badan lasoo dhoobay jidadka muhiimka ah ee magaalada Boosaaso.

7/3/2013 8:24 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa maanta ka dhacay iska hor imaad khasaare badan geystey oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Puntland iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda ololaha doorashada ee ururka Horseed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Faroole.

7/3/2013 8:23 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta xukun xadhig iyo ganaax iskugu jira ku riday masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee HUBAAl ka dib markii xayiraad la saaray wargeyska oo dacwadiisi ka socotay maxkamadda.

7/3/2013 8:20 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Golaha mucaaradka Puntland oo shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskooda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in maanta laga horjoogsaday bannaan bax nabadeed oo ka dhan ah urur-siyaasadeedka Horseed.

7/3/2013 7:16 AM EST
Arbaco, July 03, 2013(HOL) :- Mudnayaasha baarlamaanka federaalka Soomaliya ee kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa booqday dhaawacyadii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dad rayid ah oo kusoo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose kuwaasoo lasoo dhigay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

7/3/2013 4:01 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa lagu soo gabagabeeyey koob kubadda koleyga ah oo loogu magic-daray isbuucii Soomaalida iyo tartan kubadda koley ah kaasoo lagu soo beegay munaasabadda 53-guuradii xoriyadda Soomaaliya. Cayaarahaan oo soo socday muddo toddobaad ah ayaa lasoo gabagabeeyay 01-dii Luuliyo.

7/3/2013 4:00 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha bankiga dhexe, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa iska fogeeyay warbixinta ku saabsan in 80% lacagaha kusoo xarooday bankiga dhexe ee Soomaaliya ay la baxeen shaqsiyaad gaar ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.