4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Qaadka oo laga mamnuucayo dalka Britain

Wasiirka Arrimaha gudaha Britain Teresa May
Arbaco, July 03, 2013(HOL) —  Xukuumadda Britain ayaa ku dhawaaqday in ay mamnuuceyso qaadka oo ay u aragto in uu halis caafimaad sababo, isla markaana uu la mid yahay daroogada qaarkeed.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Britain Teresa May ayaa arrintan ku dhawaaqday, waxayna sheegtay in qaadka uu ka mid yahay waxyaabaha caafimaadka u daran, sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay mamnuucaan. Hadalka Wasiirradda ayaa wuxuu ka horimaanayo talo ay soo jeediyeen guddi ka talo-bixiya  arrimaha waxyaabaha maanka dooriya.

 

Guddiga ACMD ayaa horay u sheegay in aaney baaritaankooda ku helin daliil caddeynaya in Qaadka uu caafimaadka u daran yahay. Dalka Britain ayaa Qaadka loo tixgelin doonaa in uu la mid yahay daroogada Ketamine iyo Anabolic Steroids.

 

Qaadka ayaa horay looga mamnuucay dalal dhowr ah oo Qaaradda Yurub ku yaalla, kuwaasi oo ay Sweden ugu horreyso iyo weliba dalalka USA iyo Canada. Qaadka ayaa waxaa aad u isticmaala qowmiyadaha Soomaalida, Itoobiyaanka iyo Yemen-ta ku nool dalka Britain.

 

Go’aanka Dowladda Britain ee mamnuucidda Qaadka ayaa marka laga yimaado dhibaatada uu ku hayo qoysaska qowmiyadahaas wuxuu dhanka kale la xiriiraa ammaanka iyo iyadoo laga hortegayo in Britain ay noqoto dal uu Qaadku sii maro marka loo dhoofinayo dalalka kale ee caalamka.

 

Kooxo Soomaali ah oo waday olole ka dhan ah qaadka ayaa u sheegay guddiga ACMD ee ka soo talo-bixinta qaadka in Qaadka uu sababay caafimaad darro iyo burbur qoys, sidaas darteedna ay codsanayaan in Qaadka la mamnuuco, taasi oo ay ugu dambeyntii ku dhawaaqday dowladda Britain.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]