4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Xaflad iyo ciyaaro Isboorti oo lagu Maamuusayay Maalinta Xorriyadda dalka oo lagu qabtay Seattle, Washington (SAWIRRO)


Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa lagu soo gabagabeeyey koob kubadda koleyga ah oo loogu magic-daray isbuucii Soomaalida iyo tartan kubadda koley ah kaasoo lagu soo beegay munaasabadda 53-guuradii xoriyadda Soomaaliya. Cayaarahaan oo soo socday muddo toddobaad ah ayaa lasoo gabagabeeyay 01-dii Luuliyo.

Ciyaarahan ayaa waxaa kasoo qayb-galay 14-kooxood oo ka kala yimid gobollada dalka Mareykanka, sida afar koox oo ka socotay magaalada Seattle, koox ka socotay magaalada San Diego ee gobolka California, laba kooxood oo  ka socotay gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka Minneapolis iyo Rocherster, koox ka socotay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia.

Tartankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay bulshada ku nool Washington, waxaana abaabulkiisa lahaa Cabdiraxmaan Kalkaal “Juuli”, Daahir Jaamac iyo Axmed Xasan “Canjeero”, kuwaasoo muujiyay howlkarnimo aad u weyn suuro-galna ka dhigay inuu tartankan qabsoomo lana soo gabagabeeyo.

Xubninta golaha deegaanka ee Seattle, Larry Gossett ayaa ka hadlay goobta isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka xiritaanka tartanka iyo sidoo kale xaflad loo sameeyay maalinta xorriyadda Soomaaliyeed 01-Luliyo.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo ahaa taliyihii booliiska Soomaaliya, kaasoo dhawaan xilka laga qaaday dibna ugu laabtay dalka Mareykanka, wuxuuna ka sheekeeyay qiimaha ay leedahay 01-da Luuliyo, isagoo sheegay in intii uu dalka ku sugnaa uu howlo badan oo horumar leh sameeyay, isagoo ku boorriyay Soomaalida inay ka shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa dibna loogu dhisi lahaa, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan qabyaaladda.

Garyaqaan Cusmaan Gacamey oo ka mid ah qareennadii ugu horreeyey ee dalkeena soo mara ayaa isaguna ka warramay taariikhda loosoo maray sidii xorriyadda hadda la haysto loo soo maray.

Waxaa iyadana goobta lagu soo dhaweeyay  wasiirkii hore ee boostadda iyo isgaarsiinta dowladdii kacaanka ahayd ee Somoaaliya, Cabdullaahi Cosoble Siyaad isla markaana xubin ka ahaa baarlamaankii dowladdii rayidka ahayd ee Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay midowgii labadii gobol ee Soomaaliya iyo halgankii ka horreeyay ee dhiig badan oo Soomaaliyeed uu ku daatay, sidii mar shacabka Soomaaliyeed xorriyaddooda u heli lahaayeen.

Dr. Cosoble ayaa u hambalyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay, Xasan Sheekh Mohamuud, isagoo ugu duceeyay in Ilaahay la garab-galo howsha ay hayso. Shacabkana ka codsaday in lala shaqeeyo oo la taageero xakuumadda Soomaaliya.

Gabagabdii ayaa waxaa dhacday ciyaar u dhexeysay koox ka socotay Seattle, Washington iyo kooxda Atlanta, Georgia iyadoo kooxdii Seattle ka socotay ay hal gool kaga badisay kooxdii ka socday Atlanta. Larry Gossett ayaa koobkii guddoonsiiyay kooxdii ka socotay Seattle ee ku guuleysatay, waxaana ciyaartu ay ahayd mid ay labada kooxood kusoo bandhigeen farsamooyin wanaagsan.

Ugu dambeyn, waxaa dabaaldagga kowda Luuliyo iyo tartanka ciyaaraha ku soo xirtay hadal, guddoomiyaha xarunta Soomaalida ee gobolka Washington Sahro Faarax iyadoo u mahadcelisay intii soo abaabushay munaasabadda iyo tartan ciyaareedka kubadda kolayga.







Hiiraan Online, Seattle Washington