4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia oo Maanta hortagay Baarlamaanka kana jawaabay su'aalo dhowr ah


Axad, July 28, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo su’aalo kala duwan laga weydiiyay falalkii ammaan-darro ee ka dhacayay xilliyadii ugu dambeeyay gobolka Shabeellada Hoose.

Su’aalaha la weydiiyay wasiirka ayaa waxay intooda badan salka ku hayeen dagaallo beeleedyo iyo isku-dhacyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacayay gobolka Shabeellada Hoose iyo wixii uu ka qabtay isagoo sheegay inay wax badan ka qabteen ayna wadaan qorshe ay ku qabanayaan shir-weyne lagu dhammeynayo khilaafyadii sababay dagaalladaas.

“Wafdi aan hoggaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa tagay deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen, waxaana halkaas kula kulannay waxgarad, xabbad-joojin ayayna dowladdu ku baaqday, qorsheenuna waa in la qabto shir-weyne qaran oo lagu dhameynayo colaadahaas,” ayuu Guuleed kaga jawaabay su’aad ahayd wixii ay dowladdu ka qabtay dagaalladaas.

Sidoo kale, wasiirka waxaa la weydiiyay waxyaabihii sababay colaadihii ku dhexmaray gobolka Shabeellada Hoose ciidammo kawada tirsan dowaldda Soomaaliya isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo ka dhashay isbaarooyin la dhigtay inta u dhexeysa degmooyinka kala ah Afgooye iyo Marko, taasoo ay ciidamada qaarkood ka gadoodeen.

Mar la weydiiyay in ciidamada dowladda oo hab beeleedyo u abaabulan ay ka qaybgaleen dagaallo beeleedyo ka dhacay gobolkaas ayaa gaashaanka ku dhuftay jiritaanka arrintaas, isagoo xusay in ciidamada dowladda aysan ku lug yeelan dagaalladaas, laakiin ay ahaayeen kuwo qaab beeleed u dhacay oo u dhexeeyay dadka deegaanka.

Waxaa kaloo la weydiiyay qorshaha kama dambeysta ah ee dowladdy ay ku doonayso inay uga hortagto sidii aysan dib ugu soo laaban lahayn colaado kale oo gobolkaas ka dhaca, isagoo sheegay inay shir ku qaban doonaan Muqdisho kaasoo looga hadlayo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa deegaannadaas.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in marka lasoo gabagabeeyo dib-u-heshiisiinta gobolka Shabeellada Hoose loo sameyn doono deegaannadaas maamul ay iyagu leeyihiin, kaasoo waafaqsan habka maamul u sameynta dalka ee ay dhawaan ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya