4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Tartan Kubadda cagta ah oo lagu Maamusayo bisha Ramadaan oo si habami leh uga socda Xerada Dhadhaab (SAWIRRO)



Axad, July 28, 2013 (HOL) — Tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayo bisha barakaceysan ee Ramadaan ayna soo qabanqaabisay hay’adda SYAO oo arrimaha dhalliyarada ka shaqeysa ayaa ka socda xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Sidoo kale, tartankan waxaa ka qayb-galaya ku dhawaad lix koox oo ka kala socda dhammaan xerooyinka qaxootiga dalka Kenya, waxaana kooxaha ka socda xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

Tartanka oo furmay billowgii bishan Ramadaan ayaa wuxuu marayaa meel dhexe; iyadoo ay u soo daawasho tagaan dhalinyarada ku jira xerooyinka Qoxootiga dalka Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida ayna ku jiraan dad ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah.

Guddoomiyaha dhallinyarada xeryaha Dhadhaab-Kenya, Garaad Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyay dhallinyarada sida ay ugu xiiso qabaan inay tartamo Kubadda Cagta ah ka qaybqataan, waxaana xusay in dhallinyarada xeryaha qoxootiga ku jira ay tartammada noocan oo kale aad u xiiseeyaan maadama ay yihiin kuwo aan badnayn.

Mas’uuliyiin u hadlay hay’adda SYAO ayaa sheegay in ujeeddada ay tartanka u qabteen ay tahay in dhalinyarada kasoo qaxay dagaallada Soomaaliya ka socda ay fursad u helayaan sidii ay isku dhex-geli lahaayeen isla markaana ay muhiim tahay in dhallinyaradan laga dhiso dhinacyada waxbarshada iyo ciyaaraha kala duwan si ay noloshooda u dhisaan.

Tartanka ayaa lasoo gabagabeyn doonaa dhammaadka Ramadaanka, iyadoo SYAO ay ugu talo-gashay kooxaha kusoo baxa kaalimaha koowaad inay siin doonto abaalmarinno kala duwan.

Ma ahan marki ugu horreysay ee ay Somali Youth Advocacy Organization (SYAO) ay tartammo isboorti oo noocan oo kale ah ay u qabto dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo ah tartammo ay ku dhiirrigelinnayso nabadda ayna ku wacyi-gelinayso dhallinyarada Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya