4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Ra'iisul wasaaraha Turkiga oo ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Xarun ay Turkigu ku lahaayeen Magaalada Muqdisho
Recep-Tayyip-Erdogan-006.jpgAxad, July 28, 2013 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay qaraxii maalintii shalay ahayd lala beegsaday safaaradooda magaalada Muqdisho.

Erdogan ayaa Alshabaab ku tilmaamay inay muslimnimo sheeganayaan haddana ay weerarayaan kuwa walaalahooda caawinaya.

"Waxaa maanta Soomaaliya naga soo gaaray war xun, dhismaha shaqaalaha safaarada Turkiga ayaa lasoo weeraray, nasiib darro waxaan ku waynay hal askari, saddex muwaadin ooTurki ahna waa ku dhaawacmeen" ayuu yiri Erdogan.

"Kuwii weerarkan ka dambeeyay waxay isku sheegayaan muslimiin, yay u socdaan? ma safaarada Turkiga, maxay sidaas u yeelayaan? soo ma oga inaan adeegyo kala duwan u fidinayno walaalaheena Muqdisho ku nool". ayuu is waydiiyay Erdogan oo ay caro hadalkiisa ay ka muuqato.

Wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Davutoglu ayaa isna bartiisa Twitterka ku soo qoray "Hal askari ayaa nooga shahiiday, waanku faraxsanahay inaysan nagu dhicin geeri intaa ka badan".

Kooxda Alshabaab ayaa iyadu sheegatay masuuliyada weerarkii shalay lagu qaaday safaarada ay Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka Soomaaliya.

Dalka Masar

Ra'iisul wasaare Erogan oo ka hadlayay Kulan afur ah oo ay isugu yimaadeen Warshadleyda iyo ganacsatada waaweyn ee dalka Turkiga oo ka dhacay magaalada Istanbul ayaa sidoo kale farriin u diray caalamka Islaamka iyo wadamada reer galbeedka oo uu ku tilmaamay inay labo wajiilayaal yihiin marka laga hadlayo Dimuqraadiya isagoo ku eedeeyay inay ka aamusanyihiin xasuuqa ay militariga Masar ka wadaan dalkooda.

"Xasuuqa maanta ka dhacay Masar kama aamusayno, meeye kuwii qaylinayay markii aan sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaalnay dibadbaxyadii ka dhacay Istanbul, maxay uga hadli la'yihiin xasuuqa lagu hayo dadka reer Masar oo madaxweynahoodii cinqilaabka lagu riday" ayuu yiri Erdogan.

Maalintii shalay ahayd ayaa dalka Masar lagu dilay 150 ruux, 4000 oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kuwaasoo ahaa taageerayaasha Maxamed Mursi madaxweynihii la afgambiyay ee waddanka Masar.


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya