4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Hay'adda HARO oo Muqdisho ka Qaybisay Deeq ay soo Dhiibeen Walaalaha Soomaaliyeed ku nool Waqooyiga Ameerika (SAWIRRO)


Axad, July 28, 2013 (HOL) — Hay’adda gargaarka bani’aadamnimo ee Afrika (HARO) oo caawisa dadka dhibaateysan ayaa horraantii bisha Ramadaan ka billowday qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya masahaariic ay ugu magac-dartey afurinta dadka masaakiinta ah ee aan heli karin waxay ku afuraan, iyadoo mashruucan uu ahaa mid ay horey hay’addu uga sameyn jiray dalka Soomaaliya.

Mashuucan ay hay’addu ka billowday bishan Ramadaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya ayaa waxay qayb ka mid ah ay ka qaybisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo dadka aan afuri karin u qaybisay rashin isugu jiray bur, bariis, sonkor, saliid iyo timir, waxaana mashuurcan ka faa’iideystay qoysas aad u fara badan kuwaasoo ku jira xerooyin barakacayaal oo ku yaalla Muqdisho.

Saraakiil ka tisran hay’adda HARO ayaa kormeerayay bixinta gargaarka, waxayna u kuurgalayeen sida ay howsha bixinta gargaarku u socotay, iyagoo sheegay ing gargaarkan ay soo dhiibeen walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika.

“Gargaarkan waa mid ay soo dhiibeen dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Mareykanka ku nool, waxaana loogu talogalay in lagu caawiyo walaalaha Soomaaliyeed ee aan heli Karin afurka,” ayuu yiri sarkaal u hadlay HARO oo ka mid ahaa kuwii waday howsha bixinta gargaarka.

Mas’uuliyiin ka tirsan ayaa waxay sheegeen inaysan deeqadan ahayn deeqdii ugu horreysay ee ka timid walaalaha maslimiinta Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika.

Dadkii loo qaybiyay deeqdan ayaa waxay ugu mahadceliyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika ee soo dhiibay deeqdan kala duwan, waxayna kula dardaarmeen inay halkaa kasii wadaan caawinaadda ay siinayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ay isugu darsameen colaadaha, abaaraha iyo cudurrada, waxayna deeqdaas qaybinteeda ku dhamaatay sidii loogu talo-galay.    






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya