4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Soomaalida ku nool Minneapolis oo Kulan Afur & Mahadcelin ah u sameeyay Agaasimaha Hay'adda Kimse Yok ee dalka Turkey (SAWIRRO)


Axad, July 28, 2013 (HOL) — Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykan ayaa xalay afur mahadcelin ah u sameeyay Metin Centiner oo ah agaasimaha xiriirka caalamiga ah ee hey’adda Kimse Yok Mu oo ah hey’adda laga leeyahay dalka Turkey, isla markaana kaalmada ugu badan siisa dalka Soomaaliya.

Kulanka afurka ahaa waxaa soo qaban-qaabiyay Shaafi Xaashi - madaxa Somali Action Alliance, wuxuuna sheegay in dadka dalka Turkey ay yihiin walaalo u soo gurmada Soomaaliya.

“Axsaankii uu noo sameeyay dalka Turkey maahan mid la gudi karo ama la hilmaami karo, dunada oo na nacday ayay noo hiiliyeen” ayuu yiri Shaafi Xaashi.

Metin Centiner oo ka warbixiyay shaqada hey’adda Kimse Yok Mu ay Soomaaliya ka hayaan ayaa yiri “Waxaan gudaneynaa waajib aadami ah, waayo haddii aadan caawin qof walaalkaa ah oo kuu baahan, goormee caawineysaa?

“Qalbigeenna waxaa naxdin galiyay nolosha dadka Soomaaliyeed ka hor intii aanu Ra’isul Wasaaraheena tagin Muqdisho, sidaa daraadeed waxaan go’aansannay inaan si deg deg ah uga jawaabno codsiga dadka aan walaalaha nahay, kuma fiirsan Karin macluusha, nafaqadarida, jahliga iyo caafimaad darrada”

“Ma joogsan doonaan mashaariicda aan wadno, waxay isku badeli doonaa muwa horumarineed, waxaan wadi doonnaa qodista ceelasaha, dhismaha Isbitaaladda, Iskuulada , xarumaha agoonta, tababarista shaqaalaha caafimaadka iyo shaqo abuurista” ayuu sii raaciyay Cetiner.

Wuxuu sheegay Metin Cetiner in hey’adda Kimse Yok Mu  350 arday Soomaaliyeed ay waxbarasho ugu qaaday magaalooyinka waaweyn ee Turkey, kuwaas oo arday kastaa sanadkii ku baxeyso lacag gaareysa 20,000 (Labaatan Kun oo dollar).

C/qaadir Cusmaan Nuur oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qeygalay kulankan ayaa sheegay in dowladda Turkey ay xilli hore soo billowday taageerada Soomaaliya. “1892 ayay markii ugu horeysasay Soomaaliya soo gaareen, waxay masaajiddo ka dhiseen Muqdisho, Bar-bara, Kismaayo iyo Baraawe, mana gudi karno abaalkooda” ayuu yiri C/qaadir Oomo.

Aamina Haaruun ayaa iyana ka codsatay Metin Centiner in hey’addiisu ay u jaleecdo dhinaca horumarinta, gaar ahaan tababarista xirfadleyda.

Culimad Minneapolis ee Sheekh Sacad Muse iyo Sheekh Axmed Taajir ayaa sheegay inay diini tahay in qofkii ku kaalmeeya uu muadan yahay mahadnaq iyo ilaalin.

Axmed’dey Guure oo ah aqoonyahay Soomaaliyeed, isla markaan wax badan ka og xiriirka labada dal madaamaa uu ku hadlo luuqadda Turkiga ayaa sheegay in gurmadka dadka iyo dowladdu Turkey la soo gaartay Soomaaliya uu yahay mid aan weligiis la hilmaami doonin.

Dhammaan kasoo qeybgaleyaashii kulankii caawa oo ka dhacay maqayaadda Lakeview ayaa niyad waniyad wanaag iyo walaaltinimo u muujiyay Metin Metiner oo socdaal ku jooga magaaladda Minneapolis ee gobolkan Minnesota.




Sawirqaade: Siyaad saciid Saalax

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota