4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan looga Hadlay Ammaanka la qaatay Saraakiil iyo Gudoomiyeyaal Degmo (SAWIRRO)


Axad, July 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho la yeeshay taliyeyaasha ciidamada dowladda, taliye xigeennada, guddoomiye-yaasha degmooyinka gobolka Banaadir, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Kulankan ayaa lagu jeex-jeexay xaaladda ammaan ee Somalia, gaar ahaan Muqdisho, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu warbixin ka dhageystay taliyeyaasha booliska, millateriga iyo nabadsugidda Qaranka, iyagoo faahfaahin ka bixiyay qorsheyaasha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, waxayna tilmaameen inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la doonayay in dhibaatooyin loogu geysto shacabka Soomaaliyeed.

Markii uu kulanku lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiweli isagoo sheegay in looga hadlay kulanka ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan dalka, ra’isiul wasaare Saacidna uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada.

“Waxaa diiradda lagu saaray kulanka qaabka dariseynta iyo sidii iskaashi looga sameyn lahaa amniga gobolka Banaadir, waxaana intii uu kulanku socday lagu soo bandhigay qorshaha cusub ee amniga ee uu horay ugu dhawaaqay ra’iisul wasaaraha, kaasoo qayb-weyn ka qaadan doona sugidda amniga iyo xasilinta dalka,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in ra’iisul wasaaruhu uu ku tilmaamay weerarkii lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah, halkaasoo ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Jannada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo.

“Waan la xanuunsaneynaa walaalaheenna Turkiga ee iyagoo shacabkeenna gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa xukuumadda iyo dawladda Turkiga,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somalia Shirdoon.

Kulankan looga hadlayay amniga ayaa daba-socda, kulammo horay uu ula qaatay ra’iisul wasaaruhu qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, taasoo uu kala hadlayay qorshaha xukuumadda ee xasilinta iyo dalka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya