4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Dowladda Turkiga oo shaacisay in Askari ka mid ah ciidamadooda lagu dilay Weerarkii lagula beegsaday Muqdisho


Axad, July 28, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in askari ka mid ah ciidamadooda ilaalada ka haya safaaradda Turkiga ee Soomaaliya uu ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday dhismaha ay deggen yihiin shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya, saddex kale lagu dhaawacay weerarkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Davutogle oo ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagaxiso, isagoo sheegay inay qabeen shaqaalahoodu feejignaan dhinaca ammaanka ah taasna ay keentay in khasaaruhu uu aad u yaraado.

“Askariga nooga dhintay Muqdisho wuxuu ka mid ahaa ciidammo dagaal la galay kooxdii weerarka kusoo qaaday dhismaha, kaddib qaraxii gaariga loo adeegsaday, waxayna ciidamadeennu toogasho ku dileen lab aka mid ah kooxahaas,” ayuu Davutogle hadalkiisa ku daray.

Dhaawacyadii shaqaalaha Turkiga oo dowladda Turkiga ay sheegtay in saddex ahaayeen balse laga badinayo ayaa waxaa isla xalay Muqdisho ka qaadday diyaarad ay leedahay dowaldda Turkiga, dhaawacyada qaarkood ayaa ahaa kuwo culus.

Weerarkaan ayaa wuxuu burbur xooggan u geystay dhismahan oo ku dhow isbitaal ay Turkigu ku leeyihiin degmada Hodan ee Muqdisho, waana kii ugu horreeyay noociisa oo lagu bartilmaameedsado xarumaha ay Turkiga ku leeyihiin Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxay ku hanjabtay inay sii kordhin doonto weerarrada ay ku qaadayso xarumaha ay shaqaalaha Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo dalal badan oo dunida ah ayaa cambaareeyay weerarkaas waxayna ku tilmaameen mid fulaynimo oo lagu qaaday dad u joogay Soomaaliya sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed oo 22-sano colaado kusoo jiray.

Waa markii labaad oo weerar dhibaato loogu geystay shaqaalaha Turkiga ee samafalka u jooga Soomaaliya uu ka dhaco caasimadda, waxaana horay loo dhaawacay saddex sarkaal oo ka tirsanaa hay’adda bisha Cas ee Turkiga, kaddib markii la weeraray gaadiid ay wateen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya