4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday dhisme ay deggen yihiin Shaqaale ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Saddex qof ayaa ku dhintay sagaal kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo maanta gellinkii dambe lala beegsaday dhisme ay deggenaayeen shaqaalaha safaraadda Turkiga ee Muqdisho, taasoo ku taala inta u dhexeysa KM-4 iyo Tarabuunka.

Weerarkan oo ahaa ismiidaamin lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa dadka ku dhintay ay isugu jireen ninkii gaariga waday, wiil arday ah iyo qof kale oo la sheegay inay waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen oo ay toogteen ciidamadii Turkiga ee ku sugnaa xaruntaas.

“Qaraxan ismiidaaminta ah waxaa lala beegsaday xarun ay deggen yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga oo ku taala meel ku dhow isgoyska KM-4, waxaana ku dhintay saddex qof oo qof ka mid ah uu ahaa rayid,” ayuu yiri Col. Axmed Maxamuud oo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa sheegay in gaariga weerarka lagu fuliyay oo ahaa nooca raaxda lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta isagoo doonayay inuu daba-galo gaari ay leedahay safaaradda turkiga oo doonayay inuu xaruntaas galo.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay gudaha xarunta la weeraray haddana waxaa la sheegay in dad Turki ah ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasoo ay goobta ka qaadeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

Al-shabaab  ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo bartooda ay ku leeyihiin Twitter-ka ku sheegay in weerarka ay la beegsadeen saraakiil Turki ah oo ka howlgalayay safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho ayna qaar ka mid ah halkaas ku dileen.

“Weerarka ayaa waxaa fuliyay dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab, waxaana uu la beegsaday koox dublaasiyiin ah oo Turkiga u dhashay, kuwaasoo  ku sugnaa dhisme ku yaalla degmada Hodan,” ayay Al-shabaab ku tiri qoraal ay soo dhigtay bartooda Twitter-ka.

Hay’adaha dalka Turkiga ayaa waxay u joogaan Soomaaliya sidii ay dib u dhis ugu sameyn lahaayeen Somalia kaddib 22-sano oo colaado iyo burbur ay ka socdeen, waxaana hay’adaha Turkiga ay kawadaan Muqdisho howlo dib u dhis ah oo ay ku jiraan isbitaallo dib loo dhisayo.

Waa markii labaad oo la weeraro shaqaale ka tirsan kuwa Turkiga ee dalka Somalia ku sugan, iyadoo bishii Abriil ee sannadkan lagu weeraray Muqdisho gaari ay wateen shaqaale ka tirsan hay’adda bisha Cas ee Turkiga, kaasoo ay ku dhaawcmeen saddex ka mid ah shaqaalaha Turkiga, darawl Somali ah oo u shaqeynayay uu ku dhintay.

Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin weerarkan, iyadoo weerarkan uu ku soo beegmayo xilli ay soo kordhayaan weerarrada noocan oo kale ah oo ay ka geysanayso Al-shabaab gudaha magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya