4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Ganacsiga Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan oo Xiran iyo Maamulka Gobolka oo ka Hadlay Xirnaashahan (SAWIRRO)


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Jahwareer ganacsi ayaa wali ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana maanta albaabada loo laabay goobihii ganacsiga magaalada, kadib markii ay isku soo baxeen dadweyne ka cabanaya sare u kaca sarifka doolarka iyo korarka qiimaha la kala siisto maciishada.

Saacadihii aynu soo dhaafnay ayaa lagu kala sarifnayay suuqa magaalada Baladweyne $ 100 doolar lacag dhan 3, 900,000 Shil Soomaali ah [Sadax Malyan iyo Sagaal Boqol oo Kun] taa oo sababtay sare u kac ku yimaada qiimaha la kala siisto maciishada oo labo jibaar ka badan qiimihii markii hore lagu iibsanayay.

Hasse ahaatee waxaa xaalada uga sii darray kadib markii ganacsatada kala duwan ee magaalada iska diideen in ay wax ku iibsadaan lacagta Shilin Soomaaliga oo dhibaato xoog leh ka taagan tahay, waxaana muuqata in gabi ahaanba ganacsiga magaalada uu istaagay.

“Annaga dad danyar ah ayeeynu nahay waxaa ka cabaneynaa sida ay noola dhaqamayaan ganacsatada, doolar halkeynu ka keenaa, shey kasta oo aan rabno in aan iibsano waxaa nala leeyahay doolar keena, sidaa daraadeed waxaan go'an ku gaarnay in ganacsigu sidan u xirnaado ilaa ganacsatadu isbadal ka keenayaan,'' ayeey tiri qof dumar ah oo ka mid aheyd dad dhagaxyo ku tuurayay goobaha ganacsiga magaalada.

Rabshada iyo xirnaashaha goobaha ganacisga kadib waxaa shir deg deg ah arintan ka qaatay mas'uuliyiinta maamulka degmada Baladweyne iyo qaar ka mid ah ganacsatada oo ka wada hadllay qal-qalka ku dhacay ganacsiga magaalada, iyaga oo ugu danbeytii isku afgartay in jaan-gooyo loo sameeyo sarifka doolarka.

“Annaga iyo ganacsatada waxaan isku raacnay in $100 doolar aan la sarifi karin wax ka badan 2, 250, 000 oo Shilin Soomaali ah,[Labo Malyan iyo Labo Boqol oo Kun]  cid kasta oo lagu qabto iyada oo sarifeysa qiimo intaa ka badan maamulku waxaa uu ka qaadi doonaa talaabo sharci ah,''ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baladweyne Cabdi Bishaar Aadan.

Sidoo kale mas'uuliyiinta maamulka gobolka ayaa meel fagaaro ah ku soo bandhigay lacago been-abuur ah oo markii danbe ay dab qabadsiiyeen, iyaga oo sheegay in cid kasta oo lagu hello lacagtan talaabo laga qaadayo.

Hasse ahaatee marka aad dhinaca kale eegto cabashada ugu weyn ayaa ka taagan diidmada uu maamulka ka keenay lacagta taasoo sababtay in ganacsatadu go'aansadaan in aysan shilin Soomaali waxba ku iibsan.

Si kasto ha ahaatee, lama oga sida ay saacadaha soo socda wax isku badali doonaan iyo in sariflayaasha u hogaasami doonaan go'aanka uu qaatay maamulka ee la xiriira jaan-gooynta qiimaha lagu sarifayo doolar oo haddii loo hogaansamo wax weyn ka badalli karta sare u kaca qiimaha maciishada.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya