4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Qarax ka dhashay Baabuur ay leedahay Wasaarada Howlaha guud ee oo ka dhacay Isgoyska Sanca ee Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen qarax lagu xiray gaari ay lahayd wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka dhacay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Qofka dhintay ayaa ku jiray gaariga xilliga uu qaraxu haleelayay, afarta qof ee kale ee dhaawcyadu gaareenna waxay ahaayeen shacab marayay halkaas iyadoo ciidammo ka  tirsan kuwa dowladda oo goobtaas soo gaaray ay durba billaabeen baaritaanno ku saabsan sababta keenay qaraxan.

“Sida aad arkaysaan waxaa halkan ku gubtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, hal qof ayaa gaariga ku jiray kaasoo ku dhex-gubtay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus oo goobta kula hadlay warbaahinta.

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in gaariga ay lahayd wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta xukuumadda Soomaaliya ayna filayaa in lagu xiray waxyaabaha qarxa, isla markaana ay socdaan baaritaanno ku saabsan sidii lagu ogaan lahaa goobta looga soo xiray iyo ujeeddada laga lahaa.

Qaraxan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay howlihii ganacsiga ee ka socday isgoyska Sanca oo kala qaybiya Kaaraan iyo Yaaqshiid iyo weliba isku socodkii gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Kaaraan, Cali Calasow oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid naxdin leh ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay, isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay geysanayaan.

“Haddii qarax dhaco waxaa xiga mar walba baaritaanno lagu ogaanayo sidii loosoo abaabulay iyo halkii laga soo abaabulay, mana doonayo inaan hadda hordhacno arrintaas, waxaana sugaynaa baaritaannada waxa kasoo baxa,” ayuu yiri Calasow.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qaraxa noocan oo kale ah uu Muqdisho ka dhacay, iyadoo gaari uu lahaa xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer lagu xiray waxyaabaha qarxa, inkastoo aysan xildhibaanka waxba kasoo gaarin qaraxaas.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya