4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Mas’uuliyiinta dalka Masar oo sheegay in Madaxweynihii Hore ee dalkaas uu xiran yahay, lana weydiiyo su'aalo kala duwan


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta la wareegay talada dalka Masar aqyaa sheegay in amar lagu bixiyay in la xiro madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo dhawaan ay ciidamada xooggu talada ka tureen, iyagoo sheegay su’aalo la weydiinayo.

Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ee xarunta Masar ayaa xukuntay in Mursi la xiro muddo 15 maalmood si su'aalo ku saabsan dambiyo loo haysto la weydiiyo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Mursi loo haysto dambiyo la sheegay in uu galay intii ay socdeen kacdoonkii looga soo horjeeday madaxweynihii ka horreeyay, Xusni Mubarak laba sano ka hor.

Tallaabadan ay qaadday maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo taageerayaasha labada dhinac ay dibadbaxyo ka dhigayaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar.

Eedeymaha loo haysto Mursi ayaa waxaa ka mid ah inuu hubeeyay ururka Xamaas ee xaruntiisu tahay Marinka Gaza ee dalka Falastiin, kuwaasoo kula jira dagaallo dowladda Yuhuudda oo guryo ka dhisanaysa deegaannada ku yaalla dhulalka Falastiin.

Ururka Xamaas ayaa eedeymahaas iska fogeeyay, iyadoo sidoo kalena ay ku gacan-sayreen eedeymahaas ururka Ikhwaanul Muslimiin oo taageera Mursi, waxaana ururkaas uu dibadbaxyo waaweyn ka wadaan magaalooyinka ugu waaweyn dalka Masar.

Dibadbaxayaasha ayaa codsanaya in Mursi xabsiga laga soo daayo laguna soo celiyo xukunka, waxaana fikirkan oo kale qaba dalal uu ka mid yahay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa militeriga Masar ugu baaqay inay soo daayaan madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi, isagoo sidoo kale ku baaqay in xabsiga laga sii daayo xubnaha isaga taageersan ee xabsiga ku jira.

Madaxweynihii dalka Masar ee xukunka laga tuuray ayaa waxaa soo doortay shacabka dalkaas, isagoo noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo si xog ah loogu doorto xilka madaxnimo ee dalka Masar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya