4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Guddoomiyihii Naadiga Saxaafada Soomaaliyeed Inj. Mukhtaar oo Muqdisho ku geeriyooday, Isla maanta lagu Aasay


Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Madaxii naadiga saxaafadda Soomaaliyeed ahaana suxufi ruug caddaa ah Inj. Mukhtaar Xasan Maxamuud ayaa 10:00 aroornimo ee saakay ugu geeriyooday Muqdisho xanuun muddooyinkii ugu dambeeyay hayay, iyadoo isla maanta la aasay.

Inj. Mukhtaar oo ka mid ahaa macallimiintii kulliyadii saxaafadda Somalia ayaa wuxuu sannadkii 1999-kii ka aasaasay Muqdisho naadiga saxaafadda Soomaaliyeed halkaasoo ay wax ku barteen suxufiyiin fara badan oo maanta qaarkood ay ka shaqeeyaan warbaahinta Soomaalida iyo midda caalamiga ah.

Ehellada marxuumka oo ku sugnaa goobta uu aasku ka dhacayay ayaa u sheegay saxaafadda inuu ku dhashay sannadkii 1946-kii degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, uuna waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku qaatay Muqdihso, waxbarashada sarena uu kusoo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka.

Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii wasaaradda warfaafinta Soomaaliya intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan qaybta filimmada, isagoo ka mid ahaa dadkii aan dalka ka bixin xilliyadii ay dalka uu ku jiray colaadaha sokeeye.

“Runtii Inj. Mukhtaar inta aan ka aqaanno wuxuu ahaa nin aad u shaqsiyad wanaagsan, wuxuuna ahaa ruux dadka jecel mihnadda saxaafadda si aad ah ugu boorrin jiray inay ka gaaraan hadafyadooda. Dad badan oo maanta ka howgalla warbaahinta kala duwan ee dalka iyo midda caalmiga ah oo markii hore quus joogay ayuu ku dhiirri-geliyay inay xirfaddooda horumariyaan, maanta heer wanaagsan ayay ka gaareen, “ ayuu yiri Maxamed Madaale oo ka mid ah bahda saxaafadda.

Inj. Mukhtaar ayaa wuxuu ifka uga tagay wiil weyn oo deggen Mareykanka iyo gabar yar oo dhawaan loo dhalay, waxaana tacsi u diraya ehelladiisa iyo bahda warbaahinta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya