4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Wasiirro iyo Xildhibaanno ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo Maanta Tagay Deegaanno ka Tirsan Shabeellada Hoose

Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Wafdi isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo ay ka dhaceen dhawaanahan dagaallo beeleedyo ay ku lug lahaayeen ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo u abaabulnaa hab beeleed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana ka mida h wasiirrada gaashaandhigga iyo owqaafta iyo arrimaha diinta, iyagoo kuammo la leh waxgaradka goobihii ay ka dhaceen dagaallada si ay xog badan uga helaan dagaalladii halkaas ka dhacay.

Xildhibaan ka mid ah wafdigan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la kulmeen waxgarad ayna kala sheekeysteen wixii dhacay, ayna doonayaan inay tagaan deegaanno kale si ay xog intaan ka badan uga helaan.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose dagaallo u dhexeeya beelo halkaas wada dega, waxaana dagaalladaas lug ku yeeshay ciidamada dowaldda Somalia.

Socdaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya looga yeeray golaha shacabka si su’aalo looga weydiiyo maalinta Axadda ah ammaan-darrooyinka ka jira Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa wuxuu ka mid yahay gobolladii ay intooda badan kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM xoogaggii Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

Wafdigan wasiirrada iyo xildhibaannada isugu jira ayaa waxaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, iyadoo xogta ay ururinayaan noqon doonta mid laga horjeedin doono baarlamaanka Soomaaliya maalinta Axadda ah ee soo socota.  

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya