4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Ra’iisul Wasaare Saacid oo laga Dalbaday in Sharciga cusub ee Saxaafadda Soomaaliya aan loo gudbin Baarlamaanka

Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Soddon iyo shan (35) urur oo u dooda xorriyatul-qowlka caalamka iyo saxaafadda ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inuusan u gudbin baarlamaanka Soomaaliya sharciga qabayada ah ee saxaafadda.

Ururradan oo xubin ka ah daladda IFEX oo xarunteedu tahay magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay dib u eegis ku sameyso sharciga qabyada ah ee saxaafadda kaasoo ay golaha wasiirradu meel-mariyeen 11-kii bishan July.

“Mudane ra’iisul wasaare waxaan u aragnaa tallaabadii aad qaaday mid geesinimo leh muujinaysana u heelanaan wanaagsan oo ka timid mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya, waana mid u hiilinaysa xoriyadda saxaafadda,” ayaa lagu yiri warqadda loo diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay daladda IFEX ayaa waxaa lagu sheegay in sharcigan ay jawaab ka bixiyeen saxaafadda madaxa-bannana. Isla markaana ay iska caddahay in in saxaafaddu aysan taageersanayn sharcigan qabyada ah, waxaana loo baahan yahay in dareenkooda xaqqa ah in lagu daro sharciga qabyada ah ka hor inta uunan baarlamaanka ka hadlin.

Warqaddan ayaa si faahfaahsan uga hadashay qodobbada cabashada laga qabo ee ku jira sharcigan, kuwaasoo u baahan in wax laga badalo haddii la sii daayana ay noqonayso in meel looga dhici doono xoriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Ururrada ku saxiixan warqadan ayaa sheegay in wadatashiyo ku filan oo ku aaddan sharcigan loo qabto saxaafadda, iyadoo lagu xusay in shirkii bishii Feberaayo ee sannadkan ka dhacay Muqdisho ay ka qaybgaleen oo keliya 17 xubnood oo ka socdan warbaahinta Muqdisho qaarkood iyo mas’uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta.

“Saxaafadda Muqdisho xitaa si buuxda oo ku filan loogama qayb galin inay ka dhiibtaan fikradahooda sharcigan, iska-daa saxaafadda dalka oo dhan. Sharciga lalama wadaagin bahda saxaafadda ka hor inta golaha wasiirrada aan loo gudbinin. Waxaa xaqiiqo ah in loo baahan yahay wadatashiyo aad u  balaaran iyadoo la tixgelinayo dhammaan warbaahinta ka howlgasha dalka oo dhan,” ayuu lagu yiri warqadda.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo xarumaha warbaahinta ayaa ah kuwa ay lasoo daristay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin dilal iyo dhaawacyo ay u geystaan dhinacyada hubeysan ee siyaasadda dalka isku haya.

“Marnaba saxaafaddu kama rajeyneyso in dowladda cusub ee federaalka ay meel mariso sharci caburinaya xoriyaddii ay saxaafadda madaxa-bannaan u soo martay dhibaatada xooga leh,” ayaa lagu xusay qoraalka.

Gunaanadkii ayaa lagu yiri ra’iisul wasaare Saacid: “Si aad u xoojiso codka saxaafadda waxaan kugu boorrinaynaa in aadan baarlamaanka u dirin sharcigan illaa inta aad ka xaqiijinayso inuu xurmeynayo, difaacayo isla mar ahaantaana uu hormarinayo xoriyadda saxaafadda si waafaqsan cahdiyada ay Soomaaliya gashay ee heerka caalami ah.”

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya