4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Wariyihii Idaacadda Dalsan ee Magaalada Kismaayo Mascuud C/llaahi oo la keenay Muqdisho si loogu daweeyo (SAWIRRO)


Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Maalintii Salaasada ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho la keenay dhaawaca wakiil wareedkii Radio Dalsan ee magaalada Kismaayo, Mascuud C/llaahi Aadan oo ciidamada, Sheekh Axmed ay 17-kii bishan ay ku dhaawacmeen gudaha Kismaayo.

Wariyaha oo dhaawiciisa lagu keenay Muqdisho diyaarad khaas ah ayaa la dhigay isbitaalka Madiina, iyadoo dhakhaatiirta isbitaalkaas ay diyaar-garow ugu jiraan sidii ay wariyaha qalliin ugu sameyn lahaayeen.

Mascuud ayaa waxaa soo gaaray dhaawac daran kaddib markii isagoo doonayay inuu war kasoo qaato goob qarax lagula eegtay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan, balse iska-horimaad dhacay ayaa sababay in wariye Mascuud ay xabbadi kaga dhacdo dhabarka, taasoo weli ku jirta.

Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa wax ka qaban waayay xaalada wariye Mascuud oo u baahnaa qaliin xabadda looga saarayo, iyadoo taasi ay keentay in loosoo qaado Muqdisho si qalliin loogu sameeyo.

Agaasimaha Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey oo la hadlay HOL ayaa sheegay in keenista wariye Mascuud ay gacan ka siisay hay’adda East & Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP) , gaar ahaan guddoomiyaha hay’addaas, Xasan Shire Sheekh.

“Xaalada Mascud wali ma fiicna wuxuu sugayaa qalliin dhakhaatiirtna waxay ku wadaan wali baaritaano, waxaanse rajeyneynaa in maalinta berry ah lagu sameeyo qalliin,” ayuu yiri Xasan Geeseey.

Magaalada Kismaayo oo hadda ay maamulaan xoogagga Raas-kambooni ee ka amarqaata iyo ciidamada Kenya ayaa lagu tilmaamay meel khatar ku ah in wariyeeyaashu ay ka shaqeeyaan.

Soomaaliya waxay wali ku jirtaa liiska dalalka ugu khatarka badan ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta, iyadoo sannadkan lagu dilay gudaha Soomaaliya in ka badan afar wariye, tiro kalena lagu dhaawacay.



HALKAN KA DAAWO SAWIRRO DHEERAAD AH

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya