4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo shaaciyay inay hayaan Dadlkii ka dambeeyay dilkii Guddoomiye Xigeenkii Maxkaamdda Baladweyne

Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan oo wadajir warbaahinta ula hadllay ayaa ka warbixiyay xaalada nabad-galyo ee magaalada Baladweyne oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka jireen falal qal-qal ku ah ammniga, kadib markii ay kooxo hubeysan ku dilleen bartamaha magaalada guddoomiye ku-xigeenkii maxkamada degmada sidoo kalana weerar ku qaadeen mid ka mid ah ganacsatada magaalada.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cabdi Bishaar Aadan oo ayaa sheegay in marka la eego falalka dilalka qorsheysan ah iyo weerarada kale oo ay geystaan sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab yihiin kuwo guud ahaan ka jira dalka Soomaaliya, hasse ahaatee maamulka gobolka Hiiraan markiiba uu jawaab ka bixiyo falkaasi dhacay, isaga oo tusaale u soo qaatay in ay gacanta ku hayaan shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilkii guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Macalin Xassan Cilmi Ciyoow [Xassan Dheere]

“Falalka noocan oo kale ah waa ay ka dhacaan guud ahaan gobolada dalka, laakiin markiiba jawaab ayaa ka bixinaa falalka nooca oo kale ah, waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo waxaa gacanta ku heynaa gacan ku dhiig-lihii ka danbeeyay dilkii guddoomiye ku-xigeenkii maxkmadda degmada, taasoo muujineysa sida ay laamaha nabad-galyada maamulka gobolka deg deg uga jawaabeen falka dhacay, iyaga oo gacanta ku soo dhigay shaqsiyaadkii falkaa geystay,'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baladweyne Cabdi Bishaar Aadan.

Guddoomiyaha degmada ayaa sidoo kale intaa ku darray in ay ciidamada amniga soo qabteen shaqsiyaad kale oo isku dayay in ay falal amaan darro ka geystaan magaalada Baladweyne, kadib howlgal adag oo 48 saac ee la so dhaafay laga sameeyay magaalada Baladweyne.

“Magaalada amni buuxa ayaa ka jira, marka ay dhacaan falalka noocan oo kale ah ciidamadu tallaabo deg deg ayeey qaadaan, waana lagu guuleystaa in gacanta lagu soo dhigo kooxihii falkaa ka danbeeyay,'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

Waxaa uu ugu baqay shacabka in ay gacan buuxda ku siiyaan ciidamada sugida amniga, isaga oo dhinaca kalana ku amaanay bulshada ku dhaqana magaalada Baladweyne sida ay u bar bar taagan yihiin ciidamada, isaga oo sheegay in qabashada shaqsiyaadka hadda gacanta lagu hayo amaanteeda leeyihiin bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya