4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Ciidamada Ammaanka ee Dalka Kenya oo Gacanta ku soo dhigay Kartoomo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa

Khamiis, July 25, 2013 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay qabteen kartoomo ay ka buuxaan walxaha qarxa oo saarnaa gaari ku sii jeeday magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta.

Waxaana ay boolisku sheegeen in shacab halkaas ka agdhawaa ay ku soo wargaliyeen ciidanka inay arkeen gaari ay saaranyihiin waxyaabo shaki dhaliyay taasoo keentay inay booliska qaadaan tallaabada lagu soo qabtay kiimakooyin khatar ah oo loogu talagalay in loo adeegsado oo kaliya samaynta miinooyinka loo isticmaalo qaraxyada.

Patrick Oduma oo ka tirsan saraakiisha ammaanka ee Nairobi ayaa sheegay in ugu yaraan 400 oo xirmo ay ahaayeen kartoomada la qabtay kuwaasoo loo ekaysiiyay kartoomada lagu keeno buugaagta iskuullada.

Ciidamada dalka Kenya ayaa isla bishaan gudaheeda ku qabtay meel u dhow Wajeer gaari isagana lagu soo raray waxyaabaha laga sameeyo miinooyinka loo adeegsado qaraxyada taasoo keentay in sare loo qaado feejignaanta ciidanka guud ahaanba dalka oo dhan.

Dalka Kenya ayaa lala beegsaday qaraxyo is daba joog ah tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen koonfurta waddanka Soomaaliya October 2011.

Waxaana tan iyo xilligaas ay weeraro ka dhaceen magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya iyo dhammaanba magaalooyinka gobolka waqooyi bari ee Soomaalida oo xad laleh dalka Soomaaliya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya