4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sudan


Khamiis, July 25, 2013(HOL) :-Wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Dr. Max’ed Nuur Gacal ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Sudan Dr. Cali Axmed Kerti, waxaana sidoo kale kulanka labada masuul goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Sudan Max’ed C/laahi Ugaas Faarax.

Wasiiru dowladaha arimaha dibadda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afsoomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyay waxyaalihii ay uga hadleen kulankii uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Sudan, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya xiriirka labada dal.

Masuulkan ayaa sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay istaageen adeegyadii hay’adihii kala duwanaa ee dalka, in dowladda Sudan ay wabarasho ugu deeqeysay ardeyda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay arintaasi ay uga mahadceliyeen.

Wuxuu intaa ku daray in dalka Suda ay hadda wax ka bartaan ardey gaareeysa ilaa 5000, taasoo uu xusay in ay noqoneeyso ardeyda ugu badan ee wax ka barata dibadda, isagoona sheegay in sanad walba ay dalka Sudan waxbarasho u aadaan ardey aad u tiro badan.

“Waxaan ka codsannay in ay noo badiyaan sanadkan maadaama ay jirto baahi culus oo aan rabno in hay’adihii dowladda dib loo dhiso, waxaan kaloo ka dalbannay ardeyda kasoo baxeeyso in ay tababarro siiyaan oo ay hay’adaha dowladda Sudan ay ku tababartaan marka ay jaamacadaha ka baxaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale wasiiru dowlaha ayaa sheegay in dowladda Sudan ay ka codsadeen in ay gacan ka geysato sidii loo tababari lahaa ciidamada iyo diblumaasiyiinta wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya, arimahaasoo uu xusay in dhamaantoodba ay soo dhaweeysay kana ballan qaadeen fulintooda.

Kulanka ay masuuliyiintani qaateen ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan madaxweeynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir iyo madaxweeynaha Soomaaliya ay gaareen xiriir iskaashi oo dhexmara dalalka Soomaaliya iyo Sudan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya