4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Ka Qayb-qaado howsha lagu dhisayo Masaajidka Jaamaca ah ee Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo (SAWIRRO)


Khamiis, July 25, 2013(HOL) :- Maalmahii ugu dambeeyey gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka soconayey Howlo balaaran oo isugu jira dumin iyo dib u dhis lagu sameynayey Masjidka Jaamaca ee Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baardheere oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 320-sano oo ahayd xilligii Baardheere la degay, iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin.

Howsha dhismaha Masjidka Jaamaca ayaa hergelintiisa waxaa u istaagay qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere, iyagoona isla meel dhigay in Masjidka dib loo dhiso, islamarkaana la balaariyo si uu qaado dad lagu qiyaasay ilaa 2500 oo qof. iyadoo dhulka uu ku fadhiyana Masjidka uu yahay 36m x 27m.

Maxamed Aden Cabdille oo ka mid ah gudiga dhismaha Masjidka Jaamaca ee Baardheere ahna Khasnajiga Gudiga  oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey,isagoona sheegay dhismaha Masjidka in ay ku bixi doonto lacag dhan $285,000,oo Dolar,waxaana uu tilmaamay lacagtaasi 15% in la yaboohay,halka inta dhimana ay ka sugayaan Qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.

”Sadaqo markaad bixiso ilaahay wuxuu balanqaadey inuu kuu laban laabayo ilaa 700 oo jeer iyo intii ilaah uu doono ayuu yiri Sheekh Shukri oo ku booriyey dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan howlaha Taburacaada ah ee lagu dhisayo Masjidka Jaamaca ee ku yaala Baardheere.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena( SCW)uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

Si waxii aad sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Accounts ka lacagta sadaqada la dhigayo oo ah Dahabshiil Account No.MUQD0009555 ama Email [email protected].

FG: waxii kale oo faahfaain dheeri ah la xariir telefonada Qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga dib u dhiska Masjidka Jaamaca Baardheere oo kala ah.

1 - Maxamed Aden C/lle     +252615882491

2-  Cali Max,ed (Cali daqare) +25261-5576221,

3-  Aden Xasan Cilmi        +25261-5812950

4-  Sheekh Shukri xuseen     +25261-5858174

5- Sh.Ibraahin Sh.Mursal      +25261-5853967

6- C/risaaq Xaaji Cambe       +25261-5853765

7- C/laahi Seylaci Sh.C/risaaq. +25261-5811666

8- Faarax Hire Guhaad        +25261-5863897

9- Shariif Maxamed Nuur     +25261-5843440

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya