4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Maanta Wasiirro Cusub u Magacaabay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Qorsheynta.
Arbaco, July 24, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta ,Isgaarsiinta ,Hidaha iyo Dhaqanka. Digreetada uu madaxweynuhu wasiirkan cusub ku magacaabay oo lanbarkeedu ahaa 116 ayaa soo baxday maanta.

Prof. Axmed Shiikh Jaamac Maxamed oo ah wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta ee Puntland ayaa ah aqoonyahan qoray buugaag badan oo suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida ka hadlaya, islamarkaana in muddo ah waaxda dhaqanka iyo suugaanta ee wasaaradda madax ka ahaa.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee warfaafinta Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa isagana isla maanta loo magacaabay wasiirka qorshaynta ,xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha federaalka. Xilkaas oo bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay uu iska casiley Dr. Daa'uud Maxamed Cumar; kaddib markii uu jago kale ka helay xukuumadda federaalka.

Eng Caydiid ayaa ayaa ahaa wasiirka warfaafinta muddo sanad ku dhow. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaala madaxda Puntland ee Garoowe ay ka dhacdo munaasabad ballaaran oo ay mas'uuliyiintani xililka cusub ee uu madaxweynuhu u magacaabay ay kula wareegayaan.

Magacaabista labadan wasiir ee cusub ayaa kusoo aadeysa xilli maanta ay Baarlamaanka Puntland cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen qaabka lagu so xuli doona xildhibaanada cusub ee iyaga bedeli doona - kaas oo noqonaya qaabkii ay odayaasha dhaqanku soo xuli jireen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya