Arbaco,
July, 24, 2013(HOL)—Jawareer dhinac sarifka doolarka ah ayaa sacaadihii
ugu danbeeyay ka taagnaa suuqa magaalada Baladweyne kadib markii uu
siweyn sare ugu kacay doolar marka lagu badalanayo Shilin Soomaaliga.
Suuqa
magaalada Baladweyne ayaa maanta $100 doolar lagu kala sarifanayay
lacag dhan [2,850.000] oo shiln Soomaali ah, halka labo cisho ka hor uu
ka ahaa $ 100 doolar suuqa magaalada Baladweyne [2, 400, 000] oo shilin
Soomaali ah, taasoo muujineysa farqiga ballaaran ee uu sameeyay doolarka
marka laga hadllayo marka lagu sarifanayo Shilin Soomaaliga.
Arintan
ayaa ku keentay suuqa magaalada Baladweyne maanta in uu ganacsigu
istaago, islamarkaana dad kooban oo isku soo baxay rabashado ka
sameeyaan dariiqyada magaalada, inkastoo markii danbe dadkaas ay iskood u
kala tageen.
Sariflayaasha suuqa magaalada Baladweyne oo
qaarkood la hadllay HOL ayaa sheegay in isbadalka ku yimid sarifka
lacagta doolarka ay sabab u yihiin lacagaha been abuurka ee dhinaca
gobollada dhexe ka soo gallaya magaalada, iyaga oo sheegay in haddii
uusan maamulku wax ka qaban lacagahaas sariflayaashu awood badan u
laheyn in ay wax ka badallaan sida hadda uu qiimuhu yahay ama lagu kala
badallanayo doolarka iyo Shilin Soomaaliga.
Ganacsatada qaarkood
ayaa sheegay in haddii ay sidan arrimuhu ku sii socdaan ganacsigooda ku
iibsan doonaan oo kaliya lacagta doolarka iyaga oo iska diidi doona
Shilin Soomaaliga.
Laakiin waxaa jirta dood kale oo ay qabaan
ganacsatada qaarkood oo sheegay in lacagta hadda laga cabanayo ee suuqa
taalla tahay tan kale ee hadda la isticmaalo, sidaa daraadeed looga
baahan yahay maamulka lacag badalli karta haddii suuqa laga saarayo.
Isbadalka
ku yimid lacagta doolarka ayaa wal wal weyn ku ah dadka danyarta ah ee
muruq-maalka ah oo sheegay mar kasta oo sare uu u kaco doolarka qiimaha
lagu kala iibsado maciishadana ay korarto, taasoo marka danbe saameyn ku
yeellaneysa nolashooda, madaama lacagaha yar oo ay suuqa ka shaqeystaan
waxba u goyn karin.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa marar badan
sheegay in aan la ogolaan doonin lacagaha been abuurka ee soo galla
magaalada taasoo laga keeno degmada Cadaado, laakiin waxaa muuqata in
ilaa iyo waqtigan aan la xakameyn qul qulka lacagta oo si xoog leh u soo
gasha magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]Baladweyne, Soomaaliya.